Kajol Devgn waa atirisho aan loo dhawaan karin awood ahaan waqti wacan Bollywood-ka kusoo qaadatay sidoo kalena bilado badan ku guuleesatay waxayna ku caan baxday filimada door hogaamin adag inay ka qaadato inta badana shaashada waxay isku soo baxayaan SRK marka ay iskala soo muuqdaan ayagoo guulo dahabi ah wada qeebsadeen.

Haddaba waxaan idiin heynaa 9-filim oo caan ah kuwaas oo Kajol Devgn iska diiday sameyntooda waa hubaal haddii filimadan ay aqbali laheyd inay guulo dheeraad ah iyo abaal marino kale oo fara badan ku qaadan laheyd balse calaf uma galin.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada filimada caanka ah Kajol iska diiday iyo atirishooyinka lagu badalay oo doorarkooda siweyn loogu amaanay:

Shakti-The Power – doorka ay iska diiday Karisma Kapoor ayaa aqbashay.

Veer Zaara – doorka ay iska diiday Preity Zinta ayaa aqbashay.

Dil Toh Pagal Hai – doorka ay iska diiday Karisma Kapoor ayaa aqbashay.

Chalte Chalte – doorka ay iska diiday Rani Mukerji ayaa aqbashay.

Mohabbatein – doorka ay iska diiday waxaa matashay Aishwarya Rai Bachchan.

Dil Se.. – doorka ay iska diiday Manisha Koirala ayaa matashay.

Khamosi – doorka ay iska diiday Manisha Koirala ayaa matashay.

3 Idiots – doorka ay iska diiday Kareena Kapoor Khan ayaa aqbashay.

Kabhi Alvida Na Kehna – doorka ay iska diiday Rani Mukerji ayaa matashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here