Kajol Devgn waa mid ka mid ah taariikhda atirishooyinka ugu awooda badan sidoo kalena qaab jiliin aan lagu gaarin aflaantana kaalin adag ka qaadato xitaa haddii ay xidigo waa weyn shaashada kala soo muuqanayaan waxayna xidigtan u dhaxdaa Superstar Ajay Devgn ayagoo is guursadeen sanadii 1999 waxaana u joogaan gabbar iyo wiil lagu kala magacaabo Nysa iyo Yug Devgn waana qoys awood badan.

Haddaba waxaan idiin heynaa Kajol oo fanka Hindiya ka tirsan 28-sano inay iska diiday 9-filim oo caan ah kuwaas oo badankooda Big Hits noqdeen malaha calafkeeda ma ahan balse qaladaadka jilaayaasha galaan waa qasab in dib loo xusaa ka bogasho wacan:

Veer Zaara (2004) booska ay iska diiday waxaa lagu badalay Preity Zinta waana filim Super HIT weyn noqday.

Dil To Pagal Hai (1997) waxay iska diiday booska Karisma Kapoor waana filim Blockbuster noqday.

Chalte Chalte (2003) booska Rani Mukerji ayay iska diiday waana filim Hit noqday.

Mohabbatein (2000) booska Aishwarya Rai ayay iska diiday waana filim Blockbuster noqday.

Dil Se (1998) booska Manisha Koirala ayay iska diiday inkastoo filimkan Flop noqday haddana waa mashruuc Classic ah oo fariintiisa la wada amaanay.

Kabhi Alvida Na Kehna (2006) booska Rani Mukerji ayay iska diiday waana filim guuleestay oo Semi Hit ah.

Khamoshi (1996) booska Manisha Koirala ayay iska diiday inkastoo Flop yahay haddana waa filim Classic ah oo abaal marino badan lagu qaatay.

3 Idiots (2009) booska Kareena Kapoor Khan ayay iska diiday waana filim All Time Blockbuster noqday.

Shakti – The Power (2002) booska Karisma Kapoor ayay iska diiday inkastoo Flop yahay haddana waa filim Classic ah oo abaal marino kala duwan lagu qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here