Home » Box Office » Wax ka ogaaw atoorayaashii Action-ka looga haray oo Shactirada sameynteeda amaan ku heleen

Wax ka ogaaw atoorayaashii Action-ka looga haray oo Shactirada sameynteeda amaan ku heleen

Waa wax qosol badan atoorayaashii shaashada looga bartay inay murqahooda banaanka kusoo dhigaan dagaal adagna ku sameeyaan inay isku badaleen kuwa dabacsan oo shaashada dadka ka qosliyaan.

Sheekada waxay soo bilaabatay 70-maadkii iyo 80-maadkii markii labada Superstar Hindiya ugu weyn Dharmendra iyo Amitabh Bachchan oo caan ku ahaayeen Action-ka isku badaleen kuwo dadka shaashada ku mada daaliyaan oo dhanka Comedy sameyntiisa u wecdeen.

Laakiin 90-maadkii Bollywood-ka atoorayaasha Action-ka looga haray waxay markii dambe isku badaleen shactiroolayaal shaashada Comedy ku sameeyaan sida Ajay Devgn, Akshay Kumar, Anil Kapoor, John Abraham, Nana Patekar, Sanjay Dutt, Suniel Shetty iyo Sunny Deol.

Ajay Devgn wuxuu kusoo caan baxay filimkii Phool Aur Kaante (1991) oo Action-ka ahaa wixii markaas ka dambeeyay 90-maadkii oo dhan filimada Acton-ka ayuu sameyn jiray.

Laakiin Director Anees Bazmee ayaa muuqaalkiisa Action-ka ahaa badalay markii uu filimkii jaceylka ahaa Pyaar To Hona Hi Tha (1998) sameeyay kadib Ajay dhanka Comedy ayuu galay asigoo filimkii Masti (2004) Indra Kumar iska lahaa ku bilaabay wajiga shactirada kadibna xeer ayayba u noqotay shactirada markii uu Director Rohit Shetty la xirtay Golmaal—Fun Unlimited (2006) ayay Comedy ku bilaabeen ilaa haatana taxanahan afar qayb ayaa laga sameeyay.

Ajay shactirada wuu ku wacan yahay sanadkaana waxaaba u diyaarsan filimka Total Dhamaal ee Director Indra Kumar iska leeyahay lana daawan doono 7 Dec 2018.

Akshay Kumar isagana bilawgii qarnigaan ayuu wajigii Action-ka ahaa iska badalay wuxuuna nasiibka shactirada ku tijaabiyay filimkii Classic noqday Hera Pheri (2000) wuxuuna ka helay aqoonsi waji shactiro oo aan waligiis ka hareyn.

Akshay oo cabsi qabay waji badalashada wuxuu yiri “Hera Pheri ka hor marnaba kuma riyoon inaan filim shactiro ah sameeyo balse waxaan amaan weyn usoo jeedinaa Director Priyadarshan iyo qoraa Neeraj Vora oo igu dhiiri galiyeen sameynta Hera Pheri”

Wixii markaas ka dambeeyay Akki filimadiisa caanka ah guulaha ugu wacana gaareen kana caawiyeen inuu Superstar noqdo waa kuwo Comedy ah sida (Awara Pagal Deewana, Garam Masala, Phir Hera Pheri, Heyy Babyy, Welcome, Welcome Back, Singh Is Kinng, Singh Is…BliingIt’s Entertainment , Jolly LLB 2 iyo taxanaha Housefull).

Suniel Shetty wuxuu ahaa Action Hero-gii 90-maadkii laga dambeyn jiray isagana marwalbo filim dagaal ayuu caan ku ahaa sameyntiisa laakiin bilawgii qarnigaan ayu wajiga badashay markii uu Hera Pheri sameeyay aqoonsi weyn ayuu ku helay.

Suniel wuxuu “Hera Pheri wuxuu ahaa mashruuc halistiisa watay waayo muuqaalkeygii Action-ka iyo kartida meel ayaan iska dhigay balse nasiib wanaag dadaalkii aan sameenay waxaan ka dhaxalnay aqoonsi aan marnaba laga hareyn waayo Hera Pheri waa filimkeyga kowaad ee qof walbo igu xasuusan doono”

Suniel Hera Pheri kadib isagana dhanka shactirada ayuu wax ka galay asigoo sameeyay filimo badan oo guulo wacan gaareen sida Awara Pagal Deewane, Aapne Sapna Money Money, One Two Three, Phir Hera Pheri, Chup Chupke iyo kuwo kale.

Haatana Suniel wuxuu saaxiibkiis Akshay la sameyn doonaa filimada shactirada ah ee hirgaleen Hera Pheri 3 iyo Awara Paagal Deewane 2.

Sanjay Dutt Baba of Bollywood inuu murqihiisa banaanka soo dhigo qorina qaato ayuu waligiis caan ku ahaa laakiin sanadii 1997 ayuu wajiga shactirada ku tijaabiyay filimkii Daud inkastoo mashruucaan guul dareestay hadana Dutt aqoonsi ayuu ku helay iyo dhiiri galin dheeraad ah.

Sanjay kadib wuxuu guusha shactirada ku helay filimada Haseena Maan Jaayegi, Jodi No. 1 laakiin aqoonsi iyo door aan waligiis ka hareyn wuxuu ku helay taxanaha Muna Bhai oo Dutt si weyn loogu jeclaaday door ahaan dadkana ku tusay in qalbi furnaan iyo dhoola caddeyn uu shaashada ku matali karo.

Sanjay Dutt filimada kale ee shactirada ah kuwaas oo uu guul ku gaaray laguna amaanay waxaa ka mid ah taxanaha Dhamaal labadiisa qeybood, All The Best, Son of Sardar iyo kuwo kale.

John Abraham murqaaniga Bollywood-ka isagana waji adag iyo xoog weynin ayuu fanka lasoo galay laguna bartay balse xidig wuxuu ku noqday sameynta filimada shactirada ah Garam Masala, Dostana, Housefull 2 iyo Welcome Back.

John wuxuu sheegay guulaha iyo taageerayaasha uu shactirada ku helay awgeed inuu iska jeclaan lahaa marwalbo filim Comedy ah in loo dhiibo balse filim sameeyayaasha ayaa la jecel inuu Action shaashada xili walbo ku sameeyo.

La Soco Qaybta Labaad Atoorayaasha Action-ka Sameyn Jireen Ee Wajiga Shactirada Aqoonsi Weyn Ku Heleen Xiliyo Kala Duwan..