Dhammaan shineemooyinka iyo tiyaatarrada dunida ayaa sanadkan 2020 la kulmay dhabar jab xoog leh, maadaama ay wali u xiran yihiin sabab la xiriirta xakameynta cudurka dunida aafeeyay ee coronavirus.

Waxaa jira aflaam badan oo la filayay in sanadkan laga daawado tiyaatarrada caalamka, balse nasiib darro, aanan la saarin inkastoo hadda shirkadaha filimada ay u jeesteen inay aflaamta u soo bandhigaan qaab online ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la rajeynayaa in bilaha soo socda dib loo furo albaabada tiyaatarada, ama in aflaamta lagu soo bandhigo qaab online ah.

Haddaba waxaa la shaaciyay qaar ka mid ah filimada Hollywood-ka taariikhaha la daawan doono, waxaana qoraalkan idin kugu soo bandhigeynaa 10 filim oo Hollywood ah kuwaasoo la daawan doono inta ka harsan sanadkan 2020.

Tenet (12-ka Agoosto)

Mulan (21-ka Agoosto)

Antebellum (21-ka Agoosto)

A Quiet Place Part II (4-ta Sebteembar)

The Conjuring: The Devil Made me Do it (11-ka Sebteembar)

The King’s Man (18-ka Sebteembar)

Wonder Woman 1984 (2-da Oktoobar)

The French Dispatch (16-ka Oktoobar)

No Time to Die (20-ka Nofeembar)

Top Gun: Maverick (23-ka Diseembar)

Filimadan ayaa la filayaa in xilliyada ku xusan laga daawado shaashadaha iyo tiyaatarrada caalamiga ah.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here