Wax ka ogow 10kaan taxane ee shaashadaha TVyada ku cusub kuwaasoo 2019ka la daawan doono. Qeybtaan Ask Aglatir iyo Mucize Doktor ayaa miiska inoo saaran.

0
704

Waxaa soo dhamaaday fasaxyadii ay taxanayaasha ku jireen iyadoona haatan TVyada dib loogu soo laabtay kadib markii 3 bilood nasasho la galay.

Waxaan dib loo bilaabi doonaa taxanayaashii aad horay ula socoteen sida Carpisma, Hercai, Cukur iwm sidoo kalana waxaa la bilaabi doonaa taxanayaal cusub anagoona qormadaan idiin kuugu soo qaadan doono 10ka taxane ee lagu dhawaaqay in sanadkaan 2019ka toos TVyada looga sii deyn doono.

Qeybtii hore waxaan kaga soo hadalnay warbixinta taxanayaasha Sampiyon iyo Kuzey Yildizi qeybtaan waxaan kaga hadli doonaa macluumaad ku saabsan taxanayaasha Ask Aglatir (jaceylkaa ka oohiyay) iyo Mucize Doktor (dhakhtarkii mucjisada.

1-Ask Aglatir (Jaceylkaa ka oohiyay).

Taxanahaan ayay xalqadiisa koowaad soo gashay 8da sebtember waxaana laga sii daayay TVga turkiga ee Show TV iyadoo ay hogaamiye ka yihiin labo jilaa oo da’yar kuwaasoo kala ah aktarka taxanaha ee Deniz Can Aktas iyo atariishada taxanaha ee Hafsa Nur.

Taxanahaan ayaa waxaa iska leh shirkada MF Yapim waxaana laga soo min guuriyay taxane kuuriyaan ah kaasoo ka hadlaayo wiil iyo gabar ku kulmaayo magaalo weyn waxayna halgan kula jira maqaamkooda ay nolosha ku leeyihiin iyagoona caqabad kasta oo kahor timaada ka gudbi doono si yoolkooda ay u gaaraan.

Hogaamiyayaasha taxanahaan ma ahan dad shacbiyad balaaran kuleh gudaha turkiga lakin marnaba lama saadaalin karo TVyada turkiga waayo waxaa marar badan la arkay jilayaal waaweyn oo taxanayaashooda dhulka galeen halka kuwa yaryarna guulo taariikhi ah gaareen waxaana arintaas ugu wacan sheekada taxanaha waana halka markasta qiimeynta lagu sameeyo.

Taxanahaan ayaa maalinkasta oo isniin ah habeen talaado soo galeyso kala socon kartaa kanaalka Shaw TV waxaana xusid mudan in xalqadii koowaad ee xalay lasii daayay ay kaalinta koowaad ka gashay Rating-ka waxayna noqotay mida loogu daawasho badanyahay

2-Mucize Doktor.

Taxanahaan ayaa laga sii daayay xalay xalqadiisa koowaad kanaalka Fox TV waxaana taxanahaan laga soo min guuriyay sheeko kuuriyaan ah.

Taxanahaan oo asalkiisa kuuriyaan yahay ayaa waxaa horay u koobiyeeyay mareykan asigoo af ingiriis ah ayayna sii daayeen waxayna labada taxanaba gaareen guulo waaweyn haatana asigoo turki ah ayaa la bilaabay.

Taxanahaan ayaa waxaa hogaamiye ka ah jilaaga dhalinta yare e Taner Olmaz asigoona maalinkasta oo khamiis ah habeen jimce soo galeyso shaashadaha la saari doono waxayna xalqadii xalay laga daawaday aheyd mid guul ku bilaabatay maadaama ratingeeda uu kor u dhaafay 7.60 haduu sidaan ku socdana waxay ka dhigantahay inuu guul weyn gaari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here