Wax ka ogow 10kaan taxane ee shaashadaha TVyada ku cusub kuwaasoo 2019ka la daawan doono. Qeybtaan Sampiyon iyo Kuzey Yildizi ayaa miiska inoo saaran.

0
967

Waxaa soo dhamaaday fasaxyadii ay taxanayaasha ku jireen iyadoona haatan TVyada dib loogu soo laabtay kadib markii 3 bilood nasasho la galay.

Waxaan dib loo bilaabi doonaa taxanayaashii aad horay ula socoteen sida Carpisma, Hercai, Cukur iwm sidoo kalana waxaa la bilaabi doonaa taxanayaal cusub anagoona qormadaan idiin kuugu soo qaadan doono 10ka taxane ee lagu dhawaaqay in sanadkaan 2019ka toos TVyada looga sii deyn doono.

Qwybtaan waxaan kaga hadli doonaa macluumaad ku saabsan taxanayaasha Sampiyon iyo Kuzey Yildizi.

1-SAMPIYON (Halyeey).

Wuxuu toos uga bixi doonaa kanaalka TRT1 waxaana hogaamiye ka ah Tolgahan Sayisman iyadoo xalqadiisa 1aadna toos loosii deyn doono 12da Sebtember wuxuuna ku beegnaa xalay oo khamiis aheyd.

Taxanahaan ayaa ka hadli doono nolosha feeryahan hore oo turki ah kaasoo doonayo inuu riingaha dib ugu soo laabto si uu u badbaadiyo nolosha wiilkiisa.

Taxanahaan ayaa loogu talo galay qofkasta xitaa caruurta ayaa daawan karaan adigoon wax cabsi ah ka qabin in caruurtaada daawadaan wax aanan indhaha u rooneyn.

Taxanahaan oo mid qiiro badan xambaarsan ayaa la filayaa inuu helo shacbiyad balaaran balse xalay si gaabis ah ayuu ku bilowday asigoona ratinkiisa ahaa kaliya 2.80 waana darajo hoose oo hadii uusan kor u kicin sababi karto in gabi ahaantiisaba la joojiyo.

2-Kuzey Yildizi (Xidigtii waqooyi).

Taxanahaan ayaa qorshaha yahay in xalqadiisa koowaad lasoo bandhigo 14ta sebtember oo ku began maalinta bari wuxuuna kasoo gali doonaa kanaalka Turkiga ee Show TV adigoona sabti kasta kala socon kartid kanaalkaas.

Taxanahaan waxaa hogaamiye ka ah ismail Demirci iyo Aslihan Guner waana taxane shactiro ah oo ka hadli doono qiso jaceyl iyo shactiro ah.

Ismail oo hagaamiyaha taxanaha ah ayaa dib ugu soo laaban doono tuuladii uu kusoo barbaaray kana guursaday balse gabadha uu guursaday oo foolxun darteed uga cararay tuulada balse markuu soo laabto ma helaayo wax soo dhaweyn dadka deegaanka ah.

Tan ugu daran waxay tahay marka gabadhii uu foolxumada darteed uga cararay nolosha ku silciso balse gabadhu markaan sidii hore uma foolxuma oo wey qurux badantahay waxayna bilaabeysaa iney Isma’il ka aarsato.

La soco qeybta 2aad oo aan uga hadli doono taxanayaasha Ask Aglatir (jaceylkaa ka oohiyay) iyo Mucize Doktor (dhakhtarkii mucjisada).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here