Superstar Akshay Kumar waa madaalaha Bollywood-ka wuxuuna haatan sii bilaabay inuu ku dhawaaqdo mashaariicda uu ku daah furan doono 2021 waayo marhore ayuu nala wadaagay aflaanta sanadka dambe ama 2020 usoo bixi doonaan wuxuuna haatan ku dhawaaqay filimkiisa maal mahan la hadal haayay Bell Bottom.

Filimka Bell Bottom waxaa Director ka ah Ranjit Tiwari oo horey u sameeyay filimkii Lucknow Central ee Farhan Akhtar hogaamiye ka ahaa waxaana mashruucan weyn soo saarayaal ka ah Nikkhil Advani iyo Vashu Bhagnani ayadoo lagu dhawaaqay in la daawan doono 22 Jan 2021.

Akshay Kumar filimkiisa Bell Bottom ayaa ku saabsan sheeko sirdoon ama basaasnimo oo dhacday 80-maadkii wuxuuna Kumar ku jilaa basaas ama jaajuus ayadoo duubis lagu bilaabi doono bartamaha sanadka dambe 2020 sida Akshay Kumar shaaca ka qaaday waana arin xiiso badan in Kumar shaashada ku matali doono basaas. Wuxuuna Kumar beeniyay wararka sheegayo in mashruucan filim shirkada Kannada sameeyay oo isla magacan wato sanadkaana la daawaday sheekadiisa laga soo min guuriyay.

Filimka Bell Bottom waxaa la sheegay in fariin ahaan yahay Action, qayaano iyo dareen qiiro badan waxaana intiisa badan lagu duubi doonaa London sidoo kalena kooxda filimkan waxay wada hadal kula jiraan mid ka mid ah atirishooyinka Bollywood-ka xiligan ugu awooda badan si ay Kumar shaashada jaceyl ugula matasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here