Suldaan Mahesh Babu haatan wuxuu ku sugan yahay magaalada New York ee dalka Mareekanka asigoo waqti la qaadanayo qoyskiisa kadib markii filimkiisii ugu dambeeyay Sarileru Neekevvaru guul weyn u gaaray Superstar-kan wuxuu sheegay in sedexda bilood nagu soo fool leh shaqada filim jilista ka nasan doono waqtina la qaadan doono xaaskiisa Namrata Shirodkar iyo labadiisa caruur.

Balse haatan waxaa la helay warbixin ku aadan Suldaanka filimkiisa xiga wax walbo oo looga baahan yahay waxaana mashruucan Director ka ah ama agaasimayo Vamshi Paidipally oo sanadii 2019 Mahesh u sameeyay filimkiisii hirgalay Maharshi oo ganacsi taariikhi ah sameeyay HIT weyna noqday.

Mahesh Babu filimkiisa 27-aad waxaa la sheegay inuu ku matali doono door jaajuus ama sirdoon ah waxaana la beeniyay wararkii ahaa inuu gaangester ku matalaayo wuxuuna mashruucan ka hawl gali doonaa bisha May ee sanadkan sidoo kalena dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa jilaaaasha kale ee filimkan xiisaha badan Mahesh kala soo muuqan doonaan.

Dhinaca kale Mahesh Babu wuxuu beeniyay wararka sheegayo inuu Bollywood-ka kusoo biirayo ama aflaan Hindi ah sameenayo madaama fanka Koonfur Hindiya awood ahaan sare u kaca caana ay ka noqdeen atoorayaashooda dhamaan gobolada Hindiya iyo daafaha caalamka wuxuuna Mahesh sheegay inuu ku faraxsan yahay ka mid ahaan shaha fanka Telugu sidoo kalena hamigiisa ahayn inuu Mumbai u shaqo tago ama Bollywood-ka aado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here