Harish kumar waxa uu ka mid  ahaa aktarada ugu caansna xiligii 90s isagoo xiligaas aflaamtiisa ay wacdaro ka dhigi jirayn dhanka iyo boxx office ka laakiin 43 jirkaan waa mid hadda la iska hilmaamay iyadoo laga yaabo inan isaga la xasuusan

laakiin aktarkan ayaa waxa uu lasoo shaqeeyay aktarada ugu caansanaa bollywoodka xiligii 90s waxaana ka mid ah Govinda, Karishma Kapoor, Nana Patekar , Suniel Shetty, Anil kapoor iyo aktaro kale oo badan

laakiin hadda waxaa laga waayay shaashada aflaamta Haish kumar waxa uu kasoo muuqday in ka badan 280 aflaamood isagoo noqday aktarkii ugu yaraa ee kasoo muuqdo aflaamta  shirkadaha kala duwan ee india sida malayalam Tamil, Telegu, Kannada, Malayalam iyo Bollywood isagoo sanadkii 1983 ku guuleystay abaal-marinta the best child artist of the year isagoo ku qaaday filimkii Andhra Kesari

Harish waxa uu bollywoodka soo galay sanadkii 1991 isagoo filimkiisa ugu horeeyay la sameeyay atariishada karishma kapoor kaaso ahaa Prem Qaidi

ka dib waxa uu kasoo muuqday dhawr aflaamo kale iyadoo taageerayaasha ay si weyn u jeclaayeen inay daawadaan aflaamta isaga iyo govinda iyagoo labadan aktar ay iskala soo muuqdayn sida aflaamta kala ah Coolie no.1, Aunty no.1 iyo Hero number 1

Harish waxa uu sanadkii 2001 sameeyay filim lagu magacaabo Inteqam ka dib waxaa laga waayay aflaamta isagoo dib ugu soo laabtay sanadkii 2011 waxa uuna kasoo muuqday filimka lagu magacaabo Nougth at 40 oo uu hogaamiyaha ka yahay aktarka govinda

laakiin filimkaas waxa uu la kulmay fashil weyn ka dib aktarkan filim dambe laguma arkin laakiin waxaa si weyn loogu xasuustaa aflaamtiisa hore weliba waxaan si weyn ugu xasuustaa doorkiisa shactirada sida filimka Army

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here