Rajada ugu weyn Bollywood-ka qabaan waxay tahay labada filim ee waa wey Sooryavanshi iyo 83 inay daawadayaasha tiyaatarada kusoo celin doonaan madaama labadan mashruuc la daawan doono rubaca ugu horeeyo ama sedexda bilood ugu horeyso sanadka dambe 2021.

Ilaa haatan masraxa lama saarin filim weyn oo daawadayaasha ku qasbi karo inay tiyaatarada soo aadaan inkastoo weli ay jirto saameynta karoonaha sidoo kalena 50% kaliya la ogol yahay dadka inay buuxiyaan tiyaatarada gudaha Hindiya haddane weli qolyaha tiyaatarada iska leh waxay sugayaan filim weyn oo si awood ku dheehan masraxa ku qabsado.

Sidaa darteed Akshay Kumar iyo Director Rohit Shetty filimkooda Sooryavanshi ayaa la ogaaday in la daawan doono 21 Janaayo 2021 marka lagu guda jiro todobaadka Jamhuuriga Hindiya oo fasaxyo kala duwan jiraan waxaana filimkan atirisho kowaad ka ah Katrina Kaif halka Karan Johar soo saare ka yahay.

Sidoo kale filimka 83 oo Ranveer Singh iyo Deepika Padukone hogaamiyaal ka yihiin Director-na uu yahay Kabir Khan isagana waxaa la daawan doonaa bisha Maarso todobaadka ugu horeeyo taasi oo ka dhigan 3-bilood ugu horeyso sanadka dambe in labadan filim waa weyn wax badan ka badali karaan tiyaatarada firaaqada ah oo ay dadka ku qasbi karaan inay tiyaatarada soo buux dhaafiyaan si daqli ku filan u helaan qolyaha cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.

Akshay Kumar iyo Director Rohit Shetty waxay isku raaceen mowqif ahaan in filimkooda Sooryavanshi tiyaatarada la saaro waxayna iska diideen lacago waali ah oo ay usoo bandhigeen shirkada adeega Online-ka ah bixiyaan si filimkan weyn Internet-ka looga daawado. Sidoo kale Ranveer filimkiisa 83 isagana shirkada Relience Entertainment oo iska leh waxay diiday in filimkan Online ahaan loo daawado madaama uu filim weyn yahay isagana tiyaatarada oo kaliya ayaa la saari doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here