Drashti Dhami waa mid kamid ah atiriishooyinka Tv-yada caanka ka ah kuwaaso musalsalada koonfur India sameyaan mudo gaaban ayeena ku noqotay gabae magac leh oo laga aqoonsada daafaha caalamka.

Drashti marka laga soo tago shaqadeeda musalsalada waa gabar Model ah oo xayeysiisa waxyaabaha dadka ku carfiyaa jirkooda sida Kareemka iyo wixii lamid ah waxaana loo aqoonsaday mid kamid ah haweenka ugu shidan India.

Waxaa 5 sano kahor dhacday in Drashti soo jiidasho iyo jir qurxanaan ku garaacday atiriishooyinka Deepika Padukone iyo Kareena Kapoor waana arin dad badan la yaabeen maadama Deepika iyo Kareena xiligaas quruxda Asia iyo dumarka dhal-dhalaalka badan hogaaminayeen.

2014 atiriishada ugu soo jiidashada badan qaarada Asia waxaa noqotay Priyanka Chopra halka aririishada labaad Drashti noqotay liiskan waa lagu garaacay Deepika iyo Kareena waxayna noqdeen kuwa dib mara ama Drashti ka dambeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here