Home » Nolosha Jilaayaasha » Waxaa la helay nin Carab ah oo Shah Rukh Khan aad ugu eg Internet-ka siweyn looga hadal haayo

Waxaa la helay nin Carab ah oo Shah Rukh Khan aad ugu eg Internet-ka siweyn looga hadal haayo

Hadal heyn xoogan oo dhanka fanka ah ayaa ka jirto dalka Jordan taasi oo ku aadan in halkaas uu ku nool yahay nin siweyn ugu eg Superstar-ka Bollywood-ka Shah Rukh Khan.

Sawir qaadaha reer Jordan Akram Al Eissawi ayaa aad ugu eg Shah Rukh Khan taasi oo sababtay in Internet-ka isaga siweyn looga hadal haayay bilawgii todobaadkan ilaa haatan.

TV-ga Al Arabiya ayuu kasoo muuqday Akram Al Eissawi xili wareysi lala yeeshay wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay u ekaan shihiisa Shah Rukh Khan, balse uu dhibsado marka ay dadka ku tilmaamaan Copy-ga Shah Rukh Khan taasi oo u arko in jiritaankiisa lagu bah dilaayo.

Sidoo kale Akram Al Eissawi wuxuu sheegay in shirkado badan ay lasoo xariieen si uu filimo ama musal salaad ugu sameeyo madaama Shah Rukh Khan aad ugu egyahay.

SRK weli sheekadan kama soo jawaab celinin inkastoo uu yahay shaqsi Internet-ka ama baraha bulshada joogto ula fal galo balse wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa Zero oo ay la jilayaan Katrina Kaif iyo Anushka Sharma lana daawan doono 21 Dec 2018.

One Response to Waxaa la helay nin Carab ah oo Shah Rukh Khan aad ugu eg Internet-ka siweyn looga hadal haayo

  1. somy ali

    March 22, 2018 at 9:43 am

    filimside waxan niga codsanayaa tariiqda fananka reer india anu malik oo kowan