Waxaa la siiyay abaal marin kadib markuu dhisay 100 Million oo musqul kuna baxday 20 Billion oo dolar.

0
1501

Narendra Modi waa ra’iisul wazaaraha India waqti xaadirkaan la joogo waana nin wadankiisa guulo la taaban karo ku hogaamiyay.

Narendra Modi ayaa hey’da Bill Gates oo ah maalqabeenka aduunka gudoonsiisay abaal marin kadib markuu gudaha wadanka India ka dhisay 100 Million oo musqulood.

Mashruucaan musqulaha lagu dhisay ayaa India ka hirgalay sanadkii 2014tii waxaana loo qoondeeyay lacag dhan 20 Billion oo dolar iyadoona qoyskasta oo doonayo inuu musqul sameysto loogu talo galay 200 oo dolar.

Mashruucaan oo loogu magac daray India Nadiif ah ayaa si habsami leh halkaas uga hirgalay waxaana shacabka India la baray qaabka musqulaha loo adeegsado iyo in caafimaad ahaan deegaan iyo dadkaba u roontahay.

India ayaa aheyd dowlad ay inta badan shacabkeeda badow yihiin kuwaasoona markasta ku taagan dhaqamadii hore waxaana lagu kari waayay isticmaalka musqulaha iyagoona ku dhagan dhaqankii hore ee awoowayaashooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here