Atiriishada Karisma Kapoor 90-kii xili dahabi ah ayee u ahed oo qeybta dambe tobankaas sano iyada ayaa qabsatay hogaanka fanla hindiya dhanka atiriishooyinka wacdarihii ay dhigtayna waligeed lama ilaawi doono.

Xidigtaan nolosheeda gaarka ah marka laga hadlo 90-maadkii majirin wiil ay xiriir rasmi ah la laheed ama lagu hubay oo iyadana afkeeda laga hayey hase yeeshe xan badan ayaa laga qoray oo kala duwan tobankaas sano.

Mar waxaa la dhahay Ajay Devgn ayee xiriir la laheed bilawgii 90-maadkii waana xan ee xaqiiq ma ahen iyada iyo Devgn xiriirkan wax kama jiraan ayee ku tilmaameen sido kale hadana waxaa lagu xantay Govinda oo ay la sameeysay Filimo badan.

Waliba Govinda iyo iyada xan weyn ayaa laga qoray oo ah inee xiriir sariir wadaageen sikastee ahaataba waxyaabahas oodhan wax been abuur noqdeen ayee isku bedeleen mar xitaa Akshay Kumar ayaa lagu xantay isfahamkooda markii la arkay oo liiska gabdhaha Akki xiriirka la sameeyay ayaa laga duray hadana xan unbee ku ekaatay.

Karisma oo ka hadleysa xiriirka iyada iyo Ajay ka dhaxeeyay,”hadii shaqadeena daawadayaasha ka heleen iyo sida shaashada aan jaceyl ugu jilnah taasi micnaheeda ma ahan in xiriir gaar ah naga dhaxeyo aniga waxaan ogahay Ajay inii saaxiibkey yahay waligey waxkale kuma fikirin isaga wixii uqarsoon ma ogi hadiise ay jiraan wuu iisheegi lahaa waayo dad saaxiibo wax kala qarsado ma nihin (1994).”

Hadana iyadoo ka hadleyaa Govinda waxay tiri,”waa saaxiibkeyga ugu weyn Bollywoodka dadka waxay doonaan ha sheegaan lakiin aniga iyo Govinda xushmad iyo saaxiibtinimo ayaa naga dhaxeysa intaas ayaana nagu filan ee fadlan xanta been abuurka naga qorteen naga daaya oo isku xishooda (1997).”

Iyadoo Akshay Kumar ka hadleysa waxay tiri,”Akshay waa saaxiibkey wanaagsan wada shaqeyn qurux badana na dhexmartay xitaa isaga iyo Kareena wey wada shaqeyaan berina ma waxaa dhihi doontaan Kareena iyo isaga ayaa sidaa iyo sidaa ah….maya joojiya xanta dad saaxiibo ah misane isjecel wax haka dhex abuurine waad aragteen sida xushmada ku dheehan ee Akki oga qeyb qaatay arooskeyga (2004).”

Muranka wali ma dhamaanin ilaa hada jiilka maanta xitaa waxay ku doodaan Karisma atoorihii ay jecled Akki Ajay mise Govinda xitaa hadee afkeeda wax walbo ka sheegtay doodan waa mid socoto aan aragno halkee gaarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here