Waxaa lagu xukumay 1365 sano oo xabsi ah hade waa kun sadax boqol lixdan iyo shan sano xabsi ah, tolow muxuu sameeyay??

0
2500

Aduunkaan intaad joogtid maalin walba wax laa yaabiyo waa arkee maantana waxaan idiin heynaa nin lagu xukumay 1365 (kun sadax boqol lixdan iyo shan) sano xabsi ah.

Ninkaan oo daaci Turkish ahaa (Sawirka fiiri si aad u ogaato nooca daaci uu ahaa) ayaa lagu magacaabaa Adnan (Cadnaan) waxaana lagu soo eedeeyay arimo badan oo isugu jiraan inuu gabdho fara xumeeyay inuu Basaasay arimo quseeyo Milatariga Turkey iyo inuu basaasay arimo quseeyo siyaasada dalka.

Eedeymaha loosoo jeediyay iyo kiisaska lagu soo oogay oo aad u tiro badan iyo inuu dambigiisa qirtay markii la isku fiiriyay waxaa cadaatay in ninkaan uu muteystay mudada intaas la eg oo xabsi ah waaba haduu noolaade.

Sidaas owgeed maxkamada magaalada Stanbull ayaana ninkaan ku xukuntay mudada 1365 sano xabsi ah oo u dhiganto xabsi daa’in.

Akhristow bal kawaran hadii mudo intaas la eg lagugu xukumo maxaad dareemi laheyd?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here