Saadaal badan ayaa sheegeysa inee macquul tahay in lasoo xiro Filimsameye Karan Johar iyo Megastar Salman Khan sabab la xiriirta is dilka Sushant Singh Rajput arinkaasna waxaa ololaheeda wadaan shacab weynaha hindiya iyo qaar kamid ah shaqsiyaad Bollywood katirsan oo arinkaan ku dhiiro galinayaan dowlada iyo shacabka.

Salman iyo Karan waa labada qof sida weyn loogu eedeyo inee masuul ka yihiin is dilka Sushant Singh maadama lasoo sheegay inee atoorahan ka mamnuuceen shirkadahooda inuu filim usameeyo iyo shirkadaha kale ee filimsameyasha kale.

Dhowr sabab aawged saxaafada hindiya subaxan waxay leedahay suurtogalnimada in lasoo xiro Karan iyo Salman ayaa soo dhow:

1-Sababta kowaad Rhea waxay shaaca ka qaaday in lasii weeraray guriga Sushant Singh Rajput markuu noolaa iyadana la joogtay waxaana looga shakiyay in Karan ama Salman midkood ka dambeyo maadama xurguf ay dhexmartay Sushant.

2-Sababta labaad caruurtii iyo dhalinyaradii ayaa mid-mid isku dilayaan 4-qof ayee dhimashada sii maree waana arin murugo leh waxayna isku dilayaan Sushant jaceyl ay uqabeen iyo ilaa iyo hada oo aan waxba loo qaban waa side hadalka udhigeene.

3-Sababta seddexaad dadweyno badan ayaa banaanbaxyo sameynayaan oo ay ku taageerayaan Sushant in xaqiisa lasiiyo dadkii xumeyeen la ciqaabo.

4-Sababta afaraad shaqsiyaad caan ah oo Bollywood katirsan ayaa si dadban u tilmaameen in Sushant lagu kalifay inuu is dilo dad xun oo Bollywoodka kujiraana arinkaas ka dambeyaan shaqsiyaadka sida dhaheen waxaa kamid ah Kangana Ranaut, Sonu Nigham (Fanaan), Director Shekhar Kapur, Director Abhinav Kashyap iyo kuwa kale.

Intaas arin isku tageen waxaa loo badinayaa in lasoi xiro Karan Johar iyo Salman Khan oo ah eedeysanayaasha ugu waaweyn kiiska Sushant Singh Rajput is dilkiisa balse waxaa lagama maarmaan ah in la helo cadeyn cad oo dadkaan lagu helo waayo qof aan cadeyn lagu heynin in laxiro waa mamnuuc waana sababta Police-ka India habeen iyo maalin kiiskan si weyn baaritaankiisa uwadaan si ay wax cad u helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here