Waxaa Sawiro Laga Soo Qabtay Atirishooyinka Kareena Iyo Sonam Oo Magaalka Dhex Mushaaxayaan!!

Waxaa sawiro laga soo qabtay atirishooyinka kala ah Kareena Kapoor Khan iyo Sonam K Ahuja xiliyo kala duwan ayagoo magaalka Mumbai dhex mushaaxayaaan.

Bebo sida caadad ahedba waxay iska aaday GYM-keda oo sawiro ayaa laga soo qabtay ayadoo sii galeesa marna kasoo baxeysa meesha GYM-ka ee jirka lagu dhisto.

Dhanka kale Sonam Kapoor ayaa magaalka dib ugu soo laabaneysay maadama ay maalmahan ku maqneed Delhi halkaas oo ay kuso bandhigeysay Fashion waxaana Delhi ku weheliyay oo ay waqti lasoo qaadatay seygeeda Anand Ahuja.

Hadaba Sonam Airport-ga ayaa sawiro looga soo qabtay halka Kareena iyadana GYM-keda hortiisa sawiro looga soo qabtay wana xiliyo kala duwan marka sawirada laga soo qaadayo atirishooyinkan.

Dhanka shaqada Kareena waxay saxiixatay filmada kala ah Good News iyo Takhat labadana waxaa iska leh Filmsameye Karan Johar mashruuca Good News Akshay Kumar ayee la jilee 2019 in la daawado ayaa la rajeena.

Balse filmka Takht waxay la jilee xidigo badan waxaana la daawan doona 2020 Karan ayaana Director ka ah waana film boqortooyo iyo qiso horey udhacday looga hadli doono lacago badana lagu sameen doono.

Dhanka kale Sonam Kapoor waxaa u diyaarsan filmkeeda Ek Ladki Ko Dekha Toh Aisa Laga kaaso la daawan doono 1 Febraayo 2019 waxaana la jilayaan Anil Kapoor iyo Rajkumar Rao, Fadlan halkaan hoose ka daawo sawirada laga soo qabtay atirishooyinka xiliyo kala duwan.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*