ka waran adiga hadii aad iska soo qaado inaad tahay aktar ama fanaan kaaso markii ugu horeesay lasoo saaraayo filimkiisa sidee buu noqon kara dareenkaaga? sidoo kale miyaad daawan doonta filimkaas ?
haddaba su’aalahan dad badan ayaa ka yaabi doonan sababta loo keenay maadama shaqsi caan ah ama aktar walba uu jecel yahay inuu daawado filimkiisa sida ay dad-weynaha u jecel yihiin oo kale
laakiin waxaa jira qaar ka mid ah jilayaasha qaar oo Bollywood ka tirsan kuwaasoo xitaa in filimkooda mar kaliya aysan daawano naftooda iyagoo qaarkood ay ka cabsanayaan sida uu noqon karo badhigooda filimkooda taasi iyaga ku beeri karta cabsi laakiin waxaa jira dhawr aktar oo kuwaaso sheeganayaan inaysan waligood daawan filimadooda, sababo kala duwan!
Shah rukh khan

Aan ka bilowno Boqorka Bollywoodka. Baadshah ayaa sheeganeysa inuusan weligiis daawan filimkiisa marka laga reebo dhowr filimo
kuwaaso kaliya u daawado marka uu dhameeyo duubista si uu u caawiyo director filimiisa isagoo u soo jeediyay meelaha qaar ee loo baahan yahay in la habeeyo tayada filimkiisa .
Kareena kapoor

bebo of bollywood ayaa xilli ay xayeesiin u sameenaysay filimkeeda Ki Ka ay sheegtay inaysan marnaba jeceln in ay daawato aflaamteeda laakiin sidoo kale waxa ay sheegtay inay warbixin ka qaadato walaasheeda Karisma iyo hooyada Babita kuwaaso jecel daawashada filimkeeda iyagoo usoo gudbiyaan sida uu yahay bandhigeeda filimka .
Vidya balan

atariishada filimka Kahaani sido kalena leh bandhig cajiib ah ayaa sheegtay inay marar dhif ah daawado aflaamteeda maadamaa aysan ka helin inay iska dhex daawato
iyadoo sheegtay kaliya inay aflaamteeda daawado kaliya marka ay ka qayb-gasho bandhig lagu soo bandhigaayo ama lagu daawanayo qaar ka mid ah aflaamteeda waana arrin cajiib in vidya balan aysan daawanin bandhigeeda cajiibka ay kusoo bandhigto shaashada filimka
Jimmy Shergil

aktarkan samayn kara doorar kala duwan ayaa waxa uu aaminsan yahay in haddii uu daawado aflaamtiisa inuu isaga isku dhaleeceynayo doorkiisa filimkaas maadaama badnaa aflaamta waa weyn aan laga siinin doorar wacan
sidoo kale aktarkan ayaa sheegay inuusan marma awoodin inuu isha ku hayo qaar ka mid ah aflaamtiisa sidoo kale Haddii uu daawado, wuxuu had iyo jeer dareemaya dareen aan fiicnayn maadaama doorkiisa uu yahay midka aan lahayn saamayn
Boman Irani

ma jirto baahi uu Boman si uu u daawado aflaamtiisa sababtoo ah isaga waa mid ka mid ah aktarada ugu bandhiga wanaagsan gudaha bollywoodka laakiin isaga me jecla inuu daawado aflaamtiisa
taaso uu aaminsan yahay inay hoos u dhigi karto tayadiisa maadamaa auu yahay aktar sameeya doorar badan waxaana Boman uu dhaqan ka dhigtay inuusan daawanin aflaamtiisa