Mega Power Star Ram Charan ayaa saxaafada ka yaabsaday 11 sano kahor mar uu xayeysiin u sameynaayey filimkiisa Magadheera ee All Time Blockbuster-ka noqday kaaso la daawaday sanadkii 2009 sido kalena dunida fanka aad oga heleen.

Intuu xayeysiinta ku guda jiray saxaafada ayaa suaalo tiro badan weydiiyeen qaarkood suaalo kaftan ah ayee weydiyeen sida inuu u sheego tirada dadka uu ku dilay filimkaas dhexdiisa dagaalada kujiraan maadama filimka mid taariikhi yahay dagaalo badana lagu arkay goos gooskiisa xiligaas.

Ram Charan ayaa sida tan ku jawaabay,”anigu waxaan ahay atooraha kaliya ee hal dagaal 100 qof ku dilay filimkaan ayaadna ku arki doontaan marka tiyaatarada la saaro” hadalkaas fajaciso ayuu ku noqday saxaafada, markii ay daawadayaasha usoo gudbiyee oraahda Ram Charan dadkii waa yaabeen.

Ileen qof walba maskaxdiisa waxaa ka guuxeysay xiligaas sidee ugu suurto gali kartaa inhu hal dagaal 100 qof kudilo weyna dhacday ileen waxu waa Filim, qeybaha laga sheekeynaayo 400 sano kahor marka Ram Charan jaceylkiisa iyo dhulkiisa inuu bad baadiyo u dagaalamaayo waxuu dilaa 100 qof.

Balse nasiib xumo gabadhuu jeclaa ayaa laga dilaa isagana waa ka daba dhimanaa oo labadooda buur dheer ayee kasoo dhacayaan waana muuqaalka ugu qiirada badan Filimka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here