Waxaan idiin heynaa 10 warbixin India ku saabsan oo hadaad maqasho indhaha la taagi doonto. Yaab.

0
1704
Main Bazar, Paharganj known for its concentration of hotels, lodges, restaurants, dhabas and a wide variety of shops catering to both domestic travellers and foreign tourists, especially backpackers and low-budget travellers.

India waa mid kamid ah dowladaha aduunka ugu waaweyn uguna dadka badan sidoo kalana meelo badan ayay wadamada ugu horeeyo kamid tahay sida dhaqaalaha, Quwada ciidan iwm.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa arimaha ugu yaabka badan ee India laga diiwaan galiyay;

1-India waa wadanka aduunka ugu qoyan.

India waxaa lagu tilmaamaa meesha aduunka ugu qoyan waxaana sanad kasta ka da’o roobabka ugu badan aduunka sidaas owgeed dhulkooda waa kan ugu qoyan.

2-India waxay noqon doontaa dowlada ugu dhalinta yar aduunka sanadka 2020ka

Sida warbixin lagu sheegay markii la gaaro sanadka 2020ka waxay celcelis ahaan dadka India u dhashay da’dooda noqoneysaa 29 sano  ayagoona sidaas ku noqon doono dowlada aduunka ugu dhalinta yar.

3-India waa wadanka ugu badan ee khamriga laga cabo aduunka.

Warbixin la qoray sanadkii 2012dii ayaa lagu sheegay in india  isticmaaleen sanadkaas 1.2 billion litir oo khamri ah waxayna sidoo kale tahay suuqa ugu weyn aduunka ee khamriga balse markii la fiiriyo qofkasta inta uu cabo khamriga waxaa kaalinta koowaad ku jirto France.

4- India waa dowlada afaraad ee khatarta ugu badan ku heyso wariyaasha.

Sanadkii 2013dii waxaa India lagu dilay 13 wariye waxayna kaalinta afaraad ka gashay wadamada ugu badan ee celcelis ahaan wariyayaasha lagu dilo waxaana ka horeeyo Ciraaq, Suuriya iyo Filibiin.

5-Hawada New Delhi waa tan ugu wasaqeysan aduunka.

Sida ay shaaca ka qaaday hay’ada caafimaadka aduunka hawada New Delhi waa tan ugu wasaqeysan aduunka waxaana lagu cabiray celceliskeeda PM 2.5 waana waxa lagu cabiro walxaha hawada wasaqeeyo ee insaanka dhibaatada u leh.

6-India waa wadanka ugu badan aduunka ee shilalka ka dhacaan.

Sadax daqiiqo kasta India qof ayaa ugu geeriyoodo shil gaari dartiis waxayna sanadkii 2012dii tirade dhimashada shilalka tagtay 138,258 qof taasoona India ka dhigeyso wadanka ugu badan ee shilalka aduunka ka dhacaan.

7-25% dhulka India wuxuu qarka u saaranyahay inuu nabaad guuro.

Dhulka India asigoo ah dhulka ugu qoyan aduunka hadan 25% waxay qarka u saaranyihiin iney nabaad guuraan oo dhul saxaaro isku badalaan waxaana u sabab ah isbadalka cimilada aduunka iyo isticmaalka carada oo xad kabax ah.

25% dhulka India bad ahaan waa 810,000 km laba jibaaran waana dhulweynaha UK sadax jibaarkiisa.

8-India waa wadanka ugu badan ee Lo’da lagu dhaqdo.

Lo’da aduunka guudkiisa saaran waa 260 Malyuun qiyaas ahaa halka India kaliya ay ku nooshahay in kabadan 45 Malyuun oo Lo’ ah.

9-India waa dowlada ugu badan aduunka ee dadkeeda is dilaan.

Sanadkii 2012dii sida uu cadeeyay xafiiska jariimooyinka in dadka India u dhashay ee isdilay tiradoodu tahay 135,445 qof taasoona celcelis ahaan maalinkii tirada is disho ka dhigeyso 371 qof waana arin layaab leh.

10-India waxaa ku nool qoyska aduunka ugu weyn.

India waxaa ku nooql qoyska aduunka ugu weyn kaasoona ka kooban nin qabo 39 xaas waxayna u dhaleen 94 caruur kuwaasoona sii dhaleen 33 caruur iyagoona ku nool dhisme ka kooban 4 dabaq kana sii kooban 100 qol.

Hadii aad ka heshay qodobkee kusoo jiitay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here