Kooxda filimka Housefull 4 maalin weyn misna taariikhi ayay u aheyd maanta oo isniin ah kadib markii filimkooda Housefull 4 uu si waali ah u gadmay isla markaasna cagta mariyay rikooro badan oo yaaleen.

Sida ay goordhow shaaca ka qaadeen shabakada BOI filimka H4 ayaa maanta oo isniin aheyd ka talaabay darajada 30 crore asigoona lagu wado in qiyaas ahaan uu haatan keenay 31 ilaa 32 crore waxaana suurto gal ah inuu gaaro isla markaasna uu dhaafo 33 crore.

H4 ayaa sare ukac waali ah ka sameeyay tiyaatarada Multiplexeska asigoona tiyaataradaas kaliya ka keenay 17 crore wuxuuna sameeyay sare u kac 100% ilaaa 150% asigoona tiyaatarooyinka Multiplexeska laga daawanayo yihiin kaliya qiyaastii 650 shineemo.

H4 ayaa dhamaan gobolada India sare u kac xoogan ka sameeyay asigoona Mumbai kaliya ka keeni doono 10 crore nadiif ah halka Delhi/UP uu ka keeni doono 6.50 crore wuxuuna sameeyay filimkaan guud ahaan 270% sare u kac markii lala barbar dhigo maalintii shalay aheyd.

H4 ayaa haatan mudo 4 maalmood keenay qiyaas ahaan 82 crore waana lacago aad u heer sareeyo gaar ahaan kadib markii filimkaan dacaayad laga faafiyay isla markaasna saxaafada iyo baraha bulshada loo galiyay dhaleeceyn joogto ah iyadoona lagu waday inuu dhulka gali dooo.

Balse haatan maadaama mudo 4 maalmood 82 Crore ku keenay waa ganacsi heer sare ah madaama xumaan balaaran filimkan ka faafinayaan qolyaha filimada ka faaloodaan balse midaas waxba uma dhimin.

Sidaa darteed daawadayaasha sida guud inay ka wada heleen waxaa la ogaan doonaa marka fasaxa Diwali laga baxo laakiin dhaliisha waxba uma dhimin filimkan.

Arinta xiisaha leh ayaa waxay tahay in H4 uu yahay filimka 2aad ee Akshey qeyb kayahay kaasoo darajada 30 crore hal maalin kusoo xareeyo waxaana horay sidaan u sameeyay filimka 2.0 oo keenay 33.20 crore waxayna BOI leedahay waa macquul in H4 uu rikoorkaan jabiyo isla markaasna noqdo guud ahaan filimka Akshey Kumar lacagaha ugu badan hal maalin soo xareeyo.

Balse filimkaas koonfur ayaa laga leeyahay sidaas darteed H4 waa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo mudo hal maalin kaasoo uu Akshey hogaamiye kayahay.

Rikoorka kale ee uu jabiyay ayaa ah inuu noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay filimada Comedyga mudo hal maalin asigoona cagta mariyay rikoorkii Golmaal Again kaasoo maalintiisii koowaad keenay 30.10 crore balse H4 maalintiisii 4aad ayuuba 32 crore kabadan la imaan doonaa.

Sidoo kale H4 waa filimka sadaxaad ee isniintiisa koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyo asigoona ay ka sareeyaan haatan kaliya filimada Bahabuli – The Conclusion iyo Tiger Zinda Hai.

Tani waa guul usoo hoyatay Akshey Kumar iyo dhamaan kooxda filimka H4 asigoona filimkaan maalintiisa 5aad uuba ka talaabi doono darajada 100 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here