King Khan ayaa Bollywoodka isaga tagay si kumeel gaar ah waxuuna sheegay inuu mudo gaaban soo nasanaayo maskaxdana soo dajinaayo si uu ukala dooqdo Filimaan badan oo loo soo bandhigay midka uu sameeyn lahaa.

Qoyskiisa ayuu dalxiis la aadss mudooyinkan maruu Maldives uraaco iyo maruu u kaxeeyo London ayee noqotay ugu dambeyn shalay Twitter-ka ayuu soo fariistay oo uu taageerayaashiisa fursad siiyay ay suaalo ku weydiyaan.

Boqolaalo suaal ah ayaa la weydiyay balse mida isheena soo qabatay hader waa suaal jawaabteeda dad badan sugayeen oo ahed in SRK Dhoom 4 sameeyn doono sababtp ah sanadihii ugu dambeyeen xantaas ayaa socotay.

Mid kamid ah taageerayaasha SRK ayaa sida tan u qoray suaasha,”mudane waxaan maqlay inaa saxiixatay Dhoom 4 misane aad sameeyn doontid run miyaa arinkaa” wuxuu ku jawaabay Shah Rukh Khan sida tan.

“Aniga xitaa waan maqlay sheekadaas balse xaqiiq ma ahan sababto ah markaa Filim sameynaayo qofka kowaad ee laga maqlo waa aniga hadii aan aniga shaacinin maba jiro filimkaas waligaa ha aaminin filim aan aniga shaacinin sameeyntiisa inaan sameyn doono.”

Hader xidigaan 2 sheeko ilaa 3 sheeko ayuu akhriskeeda kujiras oo uu kasoo xushtay mashaariicda badan ee loo bandhigau November ama December ayuu ku dhawaaqi doonaa midka dooqiisa ah iyo filimka uu la imaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here