“Waxaan rabaa hooyo inaan noqdo anigoon guursan saaxiibna yeelan waayo waxaan awoodaa inaan dunidaan caruur keeno” sidaa waxaa tiri atariishada…

0
1483

Dunidaan casriga ee aan ku noolnahay maalin walba wax kaa yaabiyo ayaad arkeysaa maantana waxaan idiin heynaa atariishada Turkiga ee Burcu Ozberk oo ka hadleysa sidii ay hooyo ku noqon laheyd ayadoon guursan saaxiibna yeelan.

Atariishadaan oo ka hadleysay nolosheeda gaarka ah ayaana waxay tiri; “Anaga dumarkeena nasiib xumo waxaan nahay kuwa aaanan nasiib laheyn, gaar ahaan dhanka Biology-ga, waayo da’ cayiman ayaan waxaan ku weynaa awooda aan u leenahay inaan caruur dhalno”.

ayadoo hadalkeeda sii wadata ayayna si lama filaan ah u tiri; “Aniga haatan waxaan ahay 31 jir, balse kuma fakaraayo wax guur ah haatan, hadiise aan nafteyda ku kalsoonaado waxaan awoodaa inaan dhalo caruur aan aabo laheyn dunidaana keeno, sidaas owgeed haatan qorshahayga wuxuu yahay inaan keydiyo ugxanteyda”.

Burcu Ozberk wax sharaxaad ah kama aysan bixinin sida ay ku dhali doonto caruur aabo la’aan ah waayo ugxanteeda waxay u baahantahay Xawada ninka si caruur u dhashtaan, balse waxaa macquul ah iney kala jeedo in ugxantaas iyo xawada nin kale, qaab aan dabiici aheyn la isugu bacrimiyo mustaqbalka markii ay da’ noqoto, si ay ugu suurto gasho iney hooyo noqoto ayadoo da’ ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here