Mega Star Salman Khan ayaa ka dhawaajiyay hada kahor inuu waligiis jeclaa shaqada Filimsameynta (Director-nimo) uuna aad u xiiseyn jiray balse si lama filaan ah uu ku noqdag atoore maantana waa Xidig adduunka laga wada yaqaano.

Khan waxuu yiri isagooo riyadiisa iyo go’aankiisa hore dadka la wadaagayo,”calafka iyo nasiibka waa cajiib qof walbana wixii loogu talo galay ayuu helaa aniga waligey kuma fikirin inaan atoore noqdo waana noqday maantana Atooraha Salman Khan ayaa meel walba laga leeyahay.”

“Go’aankeyga hore waxuu ahaa inaan noqdo Director oo Filimada sameeyo waxaana jeclaan jiray Filimsameyaal badan oo aan rabay inaan ku daydo sida Suraj, Yash Chopra, Ramesh Sippy, David Dhawan iyo kuwa kale balse atoore ayaa noqday calafkana halkaa ayuu i keenay.”

Dhanka shaqada Salman Khan dhamaadka sanadka waxaa uso bixi doono Filimkiisa Radhe waxaana la filaa inuu guul muhiim ah gaarowalow ay jiraan warar sheegaya in sanadka dambe loo dib dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here