Xusuusta Bollywoodka iyo oraahyadii jilayaasha muranka xoogan dhaliyay ayaan dib u milicsaneenaa waxaana maanta soo qaadaneena Mega Star Salman Khan 4-sano kahor hadal uu yiri iyo sida uu muran weyn u dhaliyay.

Waa sanadkii 2016 mar uu Sallu xayeysiin u sameynaayey Filimkiisa Sultan ee isla sanadkaa la daawaday waxuu Salman ka hadlay dhibka uu ka maray doorka Filimkaas uu kujilay isagoo ku tusaaleeyay dhibka iyo xanuunka ay mari lahed gabar la kufsaday.

Waxuu yiri isagoo hadlaayo,”ma ilaawi doono dhibka doorka Sultan aan ka maray iyo xanuunka aan dareemay haddii aan tusaale idiin kuguso qaatana waa isla xanuunka ay dareemi lahed gabar la kufsaday ama haweeyney foolaneysa oo ilmo dhaleysa xanuunke dareemi lahed mid lamid ah.”

Hadalkaan ayaa dadka badankiisa nacasnimo ku tilmaameen iyo in Sallu ku fududaaday tusaalaha noocaas ah inuu bixiyo waana lagu kacay sanadkaas xidigaan waxaa xusid mudan haweeyney la kufsaday misane isbitaal la dhigay inee Salman lacag ka dalbatay maadama uu hadalkaas dhahay.

Waxay tiri haweyneyda,”waad nagu xad gudubtay hadaa dumar nahay Filim la sameynaayo ayaad ku tusaaleysay xanuunka gabar jirkeeda lagu xad gudbay ay mari lahed aniga ayaana kamid ah haweenkaas waxaana jiifaa isbitaal waxaana kugu waajib ah inaad bixiso biilka isbitaalka aan jiifo iyo wixii qarash la iga rabo maadama aad hadalkaas kuhadashay.

Dhanka Jilayaasha Bollywoodka Kangana Ranaut ayaa kamid ahed dadkii ka hadleen hadalkii Sallu weyna dhaleeceysay sido kale Kangana waxay kamid ahed atiriishooyinkii loo bandhigay sameeynta Filimka Sultan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here