Ranbir Kapoor ayaa u dabaal dagay sanad guuradiisa 37-aad waxayna u ahayd dhalasho u qaas ah madaama jaceylkiisa Alia Bhatt uu waqti wacan la qaatay xili uu Mumbai joogo xidigan laga daba dhacay.

Sheekada xiisaha badan waxay tahay in Alia Bhatt jikada u gashay Ranbir dartiisa waxayna gacanteeda ugu sameesay doolshada ama toortada uu jecel yahay xiliga dhalashadiisa in loo diyaariyo xitaa Ranbir hooyadiis Neetu Singh ayaa gacan u taagtay doolshada macaan Alia soo diyaarisay.

Cunta kariyaha gacanta macaan Harsh Dixit oo Ranbir iyo qoyskiisa wax u kariyo waxaa meel fariiso dhahday Alia oo cidda si heer sare ah ugu adeegtay weliba Harsh Dixit wuxuu saxaafada u sheegay in Alia isaga ka cunto macaan tahay.

Alia Bhatt,Ranbir Kapoor,Ranbir Kapoor Birthday

Alia Bhatt xiligan waa atirishada Bollywood ka ugu awooda badan balse waxay aad waqti badan iyo jaceyl xad dhaaf u siineysaa Ranbir Kapoor oo ay isla soo wadaan filimka Brahmastra oo xagaaga 2020 la daawan doono.

Ranbir Kapoor xafladii dhalasho uu dhigtay waxaa kasoo qayb galeen qaar ka mid xidigaha Bollywood ka ka tirsan sida Karan Johar, Anurag Basu, Zoya Akhtar, Shah Rukh Khan, Aamir Khan, Aditya Roy Kapur, Arjun Kapoor, Malaika Arora, Deepika Padukone iyo Ranveer Singh.

Sidoo kalena xidigan labadiisa waalid Rishi Kapoor iyo Neetu Singh waxayna cuneyn shaqsiyaadkan caanka ah doolsho/toorto iyo casho heer sare ah oo ah Alia Bhatt diyaarisay ileen jaceylkeeda martida u timid waa inay soortaa!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here