Waxaasaa Jaceyl lagaa dhahaa!! Jaceylka dhabta ee Reyyan oo baraha bulshada qabsaday kadib markii uu arin layaab leh sameeyay.

0
2546

Wiilka kubadda kolayga ciyaaro ee Cedi Osman kaasoo uu xiriir jaceyl kala dhaxeeyo atariishada Ebru Sahin ee qeybta ka ah taxanaha Hercai ayaa siweyn usoo jiitay saxaafada asigoona sidoo kale hadal heyn ku abuuray baraha bulshada.

Cedi Osman iyo Ebru Sahin ayaa waqtigooda fasaxa si wadajir ah u qaadanayay hase yeeshee markii Ebru Sahin fasaxa u dhamaaday oo ay dib ugu laabatay goobtii duubista taxanaha Cedi Osman kama uusan harin asigoona la aaday goobtii taxanaha lagu duubaayay.

Cedi Osman ayaa Ebru Sahin kaligeed u kireeyay kalabar Hotelkii ay daganeyd asigoona gabi ahaanba fooqa sare ee dabaqa iyada u wada kireeyay si aysan cidlo u dareemina fasaxiisa halkaas kula sii qaadan doono inta waqtigiisa kaga dhiman.

Arintaan ayaa waxaa siweyn looga hadal-hayaa baraha bulshada ayadoona siyaabo kala duwan looga hadlay.

Hadaba adiga sidee u aragtaa ku tagrifal hanti mise Jaceyl dhab ah?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here