Waxay aheyd 140kg balse si ay u guursato ninkii ay jecleyd ayay isaga riday 70kg bal daawo sida muuqaalkeeda u ekaaday.

0
423

Haweeyney u dhalatay wadanka UK gaar ahaanna kasoo jeedo gobolka Wales ayaa miisaankeeda ka riday 70kg kadib markii ay iska joojisay cunista rootiga oo ay aad ugu waalneyd.

Haweyneydaan oo lagu magacaabo Clear Williams  ayaa ku waalneyd cunista muufada rootiga ayadoona cunto kasta ku cuni jirtay qeyb ka aheyd balse markii uu guurkeeda soo dhawaaday ayay iska dhaaftay cunista muufada si miisaankeeda u yareyso.

Clear oo bishaan hada socoto ee Sebtember guursatay nin la yiraahdo Mateo Williams ayaa tiri; “waxaan ahaa mid kalsooni daro heysatay sababt la xiriirtay miisaankeyga oo xadkiisa ka baxay balse waxaa ii suurto gashay inaan isbadal sameeyo si aan miisaanka isaga dhimo waxaana joojiyay cunista roodhiga taasoona ii suurto galisay waqti kooban inaan kalabar miisaankeyga iska rido”.

Waxayna intaasi ku dartay; “waxaan ahaa mid roodhiga si xad kabax u cunto balse mudo kadib miisaankeyga ayaa kor u kacay ilaa heer aan gaaro in muuqaalkeyga dadka kala xishoodo waxaana xaalka igu xumaaday markii socodka laadi waayay waana sababta igu kaliftay inaan roodhiga joojiyo miisaankana dhimo.

Halkaan hoose ka arag isbadalka u dhaxeeyo labada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here