Filimka The Matrix waa filim waxbadan ka badalay Hollywoodka asigoona albaab cusub u furay shineemooyinka xili qeybtiisii koowaad ee la daawaday 1999kii ay wacdaro dhigtay.

Filimkaan oo ah Action khiyaali ah ayaa si cajiib ah loo farsameeyay waxaana lagu tiriyaa mid kamid ah filimadii ugu wanaagsanaa abid Hollywoodka sameeyeen asigoona dhankasta ka habeysan.

Hadaba akhristow ma ogtahay in filimkaan sameyntiisa caqabdo badan loo maray waxaana kamid ah caqabadahaas arintaan hoose.

Filimka The Matrix sheekadiisa waxaa qoreen labo gabdho oo walaalo ah loona yaqaano The Wachowskis (Lana Wachowskis iyo Lilly Wachowskis) isla gabdhahaan ayaana Directed ka noqdeen.

Markii ay sheekada filimka diyaariyeen ayay u bandhigeen shirkada Warner Bross oo lagu waday in qarashka filimka ku baxaayo dhiibto waxayna dalbadeen 80 Million oo dolar balse waa laga diiday midaas waxaana la dhahay kaliya 10 Million ayaan idiin ogolnahay.

Gabdhihii walaalaha ahaa ma aysan diidin lacagtii yareyd weyna aqbaleen kadibna waxay ku sameeyeen muuqaal soo jiidasho leh oo hordhac ah waxayna muuqaalkii u bandhigeen misna tuseen madaxdii shirkada Warner Bross kuwaasoo markii ay muuqaalka arkeen siweyn ula dhaceen waxayna nalka cagaaran u daareen dalabkii gabdhaha ee 80ka Million.

The Matrix ayaana la daawaday 31dii Maarso 1999kii asigoona suuqyada caalamka ka keenay 465 Million.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here