Waxay dalbatay furiin kadib markii ay ogaatay inuu saacad bug ah hadiyad uga dhigay.

0
523

Naag u dhalatay wadanka Imaaraatka carabta kuna nool magaalada Dubai ayaa maxkamada ku dacweysay ninkeeda furiina dalbatay kadib markuu hadiyad uga dhigay saacad bug ah.

Naagtaan furiinka dalbatay ayaa ninkaan is qabeen kaliya mudo 6 bilood wuxuuna hadiyad ahaan ugu keenay saacad uu ku sheegay iney tahay nooca qaaliga ah kana soo bixiya 700,000 oo dirham waana lacag aad u badan.

Kadib waxaa dhacday in naagtii saacadii ka halwoday markii ay geysay meel farsamo ahna loo sheegay in saacadu faalso tahay oo aysan orginal aheyn waana arinka ay naagta ka xanaaqady in wixii ay ku xarfaaneysay bug yihiin waxayna dacwad u gudbisay maxkamada arimaha qoyska magaalada Dubai.

Naagta ayaa dalbatay furiin sidoo kalana waxay dalbatay in lacagta 700,000 ee dirham mag dhow ahaan loo siiyo.

Arinkaan ayaa kamid noqotay arimaha loogu hadal heyn badanyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here