Waa wax aad u sahlan inaad Bollywood-ka ku aragto atariishooyin aad usoo jiidasho badan, oo qurux loo dhammeeyey – laakiin sida ay wax walba u qurxan yihiin marka ay sameynayaan filim jaceyl ah, uma qurux badna noloshooda dhabta ah.

Warbixintaan waxaan kusoo qaadan doonaa 6 atariisho kuwaasoo aan guurka u arkin wax muhiim u ah nolosha, ku daahay iskaabulonimada, ama dhowr jeer lasoo furay. Waana qeybta koowaad.

ASHA PAREKH

The Yesteryear Queen Of Bollywood marnaba ma aysan helin wiil ku habboon oo nolosha la qeybsada. Kasoo biloow Shammi Kapoor, Shashi Kapoor, Dev Anand ku keen Sunil Dutt, Rajesh Khanna iyo Dharmendra.

Asha ayaa la shaqeysay dhammaan atooreyaashii ugu weynaa waqtigeedii. Laakiin wareysi lala yeeshay ayey daaha uga qaaday inay aragtay rag badan oo iyada jecel balse aysan iyadu ku dhiiran karin inay guursato.

Hadda waa 77 sanno jir, waxaana lagu xantaa inay guursatay Director Nasir Hussain, inkastoo marnaba aysan aqal gelin sidoo kalena ay labadooduba aysan saxaafadda u xaqiijin.

TABU

Waa mid ka mid ah atariishooyinka ugu quruxda iyo soo jiidashada badan Bollywood, sidoo kale waxay awood u leedahay inay doorar badan kasoo baxdo.

Laakiin marka la joogo nolosha dhabta ah 47 sanno jirtaan Tabu ayaan illaa haatan guursan, inkastoo dhowr jeer lagu xantay jillaayaal ay aflaan la sameysay.

SUSHMITA SEN

Inay qurxan tahay laba isweydiin meyso, waana gabar kusoo guuleysatay abaalmarinta Miss Universe, laakiin dhanka xiriirka jaceyl ayey ku liidataa.

Laba gabdhood oo ay iyadu korsatay ayey la nooshahay, waana Renee Sen iyo Alisah Sen oo ay soo kala qaadatay 2000 iyo 2010kii. 43 sanno jirtaan ayaa dhowr jeer xiriir sameysatay. Laakiin weli waa iskaabulo.

AMEESHA PATEL

43 sanno jirtaan Ameesha xiriir muran ka dhashay ayey la yeelatay Director Vikram Bhatt, marnaba xiriirkaasi ma noqon mid guuleystay.

Sidoo kale Ameesha ayaa dhowr jeer lagu xantay inay xiriir la leedahay xiddigo ay aflaan la sameysay ama rag ganacsato ah, laakiin illaa haatan waa iskaabulo.

NARGIS FAKHRI

The Rockstar Actress inay tahay boqoradda soo jiidashada shaki kuma jiro, laakiin Nargis waa ay ka miro dhalin weysay nolosha dhabta ah, waxaana muddo dheer lagu xamanayey inay shukaansato Uday Chopra. Balse illaa haatan waa 39 sanno jir calafkeeda raadineysa.

Katrina Kaif: waa 36 Ragg dhowr ah xiriir la sameeysay waxayna kamid tahay maanta atiriishooyinka doobnimo ku dooqawayaan.

Kangana Ranaut: waa 32 jir inkastoo dhamaan dumarka sare ay ka yartahay da’ahaan hadana xidigtaan wali lama guursan waxayna kusii socota da’da 40 sano.

Dhamaad.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here