Waxay martay 50 qaliin si ay Angelina Jolia ugu ekaato balse xukuumada Iiraan xaabsiga u taxaabtay kadib markii gaalnimo lagu soo eedeeyay.

0
2146

Naag la yiraahdo saxarti una dhalatay wadanka Iran ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu soo eedeeyay gaalnimo iyo iney ka laabatay diinteeda suuban.

Naagtaan oo sanadkii hore la sheegay iney martay 50 qaliin si ay isugu ekeysiiyo Angelina Jolia ayaa haatan xabsi Iran ku yaalo ku xiran kadib markii dadweynaha ashtako kasoo gudbiyeen.

Saxarti ayaa horay u martay 50 qaliin oo wajiga si ay Angelina ugu ekaato sidoo kalana waxay miisaankeeda ka ritay 50 kg ayadoona GYMka joogteyso si miisaankeeda ugu xadido 40kg isla markaasna Angelina isugu ekeysiiso waxayna sheegtay in Angelina si ay ugu ekaato wado kasta u mari doonto.

Hadaba halkaan hoose ka arag sawirada;

الايرانية سحر تبر

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here