Waxay miisaankeeda ka dhintay 50kg kadibna ku guuleysatay haweeneyda ugu modelka qurxoon UK.

0
442

Boney Stream waa gabar UK u dhalatay wuxuuna miisaankeedu ahaa 105kg iyadoona ka shaqeyn jirtay muusikada heesaha balse miisaankeeda oo aad u cuslaa darteed dhowr mar isugu dayday iney shaqada dhan iska joojiso.

Gabadhaan oo markii ay dhashay cunugeedii koowaad miisaankeeda aad u kordhay sidoo kalan gaaray 105kg ayaa go’aansatay ineysan shaqada ka tagin balse miisaanka xad dhaafka ah iska dhinto waxayna dagsatay barnaamij miisaanka isaga dhimeyso almiinto isbuucii 6 jeer iyo cunto isku dheelitiran.

Ugu dambeyn waxay ku guuleysatay iney miisaankeeda ku dhawaad kalabar iska dhinto waxayna noqotay 55kg kaliya iyadoona iska riday 50kg.

Dadaalka iyo juhdiga ay gabadhaan bixisay waxay ku heshay abaal marin shabakada caalamiga ee Galmoir iyadoona loo doortay Best Music Coordinator Model.

Ugu dambeyn iyadoo fariin u reebeyso dadka sideeda oo kale ahaa ee miisaanka culus ayay tiri; “marnaba ha quusan ogowna waxa kaliya ee aad u baahantahay si aad u guuleysato inuu yahay sabar iyo joogteyn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here