Waxay tiri qofkii labadeyda Eey meel ku sheega Nus Malyuun Dollar ayaan siin, halka ninkii ilaalinayay ee la dilayna iska ilowday

0
2657

Fanaanada Reer Mareykan ee Lady Gaga ayaa dunida ka yaabsatay kadib markii ay Nus Malyuun Dollar ($500,000) dul dhigtay madaxa labadeeda Eey kuwaasoo horay loo xaday.

Eeyaha Lady Gaga ayaa waxaa lagu xaday Hollywoodka kadib markii toogasho lagu dilay ninkii ilaalinayay oo Lady Gaga u shaqeynayay, arinta layaabka lehna waxay tahay in Lady Gaga ka walwalsantahay eeyahadeeda oo aysan ka walwalsaneyn ninkii la dilay.

Ma aysan dhihin qofkii ninka dilay soo sheega abaal marin ceynkaas ayaan siin, balse waxay abaal marin dul dhigtay madaxa labadeeda Eey qofkii soo sheega halka ay joogaan, arintaasoona layaab ku noqotay dadka.

Fanaanada ayaana waxaa looga kacay dhanka baraha bulshada sida nolosha Banii aadamka u qiimo tirtay uguna hormarisay mida Eeyaheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here