Inaba caadi ma ahan goos gooska laga soo bandhigay filimka Tamil-ka ah Pon Manickavel waxaana hogaamiye ka ah boqorka Dance-ga Prabhudheva oo filimkan ku jilaayo askari xumaan ku caan baxay karti xad dhaaf ahna leh sidoo kalena si wacan u xarakeen doono waxaana intaas dheer in goos gooska filimkan qof walbo ka helay.

Filimka Pon Manickavel waa mid uu kusoo laba kacleenayo Prabhudheva madaama filimkiisii ugu dambeeyay ee uu hogaamiye ka ahaa la daawaday uu ahaa Khamoshi kaasi oo 2018 la daawaday sidoo kale xidigan door walbo sameyn karo waxaa maalinta berito ah ama Jimcadan masraxa loo saari doonaa filimka Hindiga ama Bollywood-ka ah Street Dancer 3D oo ay hogaamiyaal ka yihiin Varun Dhawan iyo Shraddha Kapoor.

Marka aan usoo laabano goos gooska filimka Pon Manickavel si heer ah ayaa loo dhigay weliba 2-daqiiqo uu soconaayo waxaa qiimeyn gaar ah lagu sameeyay Prabhudheva awoodiisa askarinimo asigoo Action waali ah sameenayo sidoo kalena jir ahaan si adag isku dhisay, waana markii ugu horeesay xidigan door askari dhameestiran shaashada ku matalo asigoo baarayo kiis qaraxyo ah iyo dadka ka dambeeyaan.

Filimka Pon Manickavel sidoo kale Prabhudheva Dance-gii lagu yaqaanay ayuu kusoo bandhigay waxaana atirisho kowaad ka ah Nivetha Pethuraj sidoo kalena waxaa doorar muhiim ah ku leh Suresh Chandra Menon, J Mahendra, Soori iyo Prabhakar.

Pon Manickavel waa filimka 50-aad ee Prabhudheva hogaamiye ka yahay oo Tamil ah waxaana la qorsheenaa in la daawado 7 bisha Febraayo ee nagu soo fool leh waxaana Director ka ah AC Mugil Chellappan fadlan goos gooskiisa hoos ka daawo hubanti ahaan waad ka heli doontaa:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here