Waxbaa ka dhacay inaba caadi ma ahan goos gooska filimka Coolie No. 1 (+Video)

1
1539

Varun Dhawan waa soo laabtay markaana min bilaaw ilaa dhamaad wuxuu kaaga yaabsan doonaa filimkiisa la wada sugaayo Coolie No. 1 oo ay atirisho kowaad ka tahay Sara Ali Khan waana filim siweyn loo wada sugaayo lagana daawan doono barta Amazon Prime Video 25-ka bisha December nagu soo fool leh.

Inaba caadi ma ahan goos gooska filimkan oo leh mada daalo dhameestiran, shactiro dhan walbo ah, jah wareer, Action-ka, dhib joogto ah iyo is fahanka wacan Varun iyo Sara sida ay isugu soo baxayaan waa hubaal in filimkan wacdaro ka dhigo doono Internet-ka inkastoo ku haboonaa in tiyaatarada la saaro si daawadayaasha masraxa dib ugu soo laabtay balse marhore ayaa shirkada Amazon Prime laga iibiyay inyy tiyaatarada ay xirnaayeen.

Coolie No. 1 waa dib u sameynta isla filimkii Coolie No. 1 ee Superstar Govinda iyo Karisma Kapoor sanadii 1995 ku xarakeeyeen kana dhigeen Super HIT weyn sidoo kale ka mid ahaa aflaantii loogu jeclaa 90-maadkii Bollywood-ka sameeyeen ee dhanka shactirada iyo heesaha wacan lahaa.

Coolie No. 1 waa filim u qaas ah Director David Dhawan oo Varun aabihiis ah waa filimkiisa 45-aad ee uu agaasimo waxaana laga wada helay qaabka uu u casriyeeyay Coolie No. 1-kii uu sameeyay 25-sano ka hor oo hadda laga dhigay mid cusub casrigana la jaan qaadi karo.

Ugu dambeyntii Coolie No. 1 goos gooskiisa waxaa siweyn kaga dhex muuqdo ruug cada Paresh Rawal oo bandhig ahaan Varun Dhawan ka liidanin sidoo kalena Johnny Lever (Amadi) isagana filimkan wuxuu ku jilaa askari shactradiisa wato waa hubaal mashruucan inaan laga xiiso dhigi doono. Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimkan laga wada helay oo xitaa shactiroole Rajpal Yadav door wacan ku leeyahay:

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here