Ugu dambeyntii taageerayaasha Superstar Vijay siweyn ayay u dabaal dageen kadib markii goos goos kooban laga soo bandhigay filimkiisa weyn Master waxaana lagu soo beegay muuqaalkan xili todobaadkan feestada Diwali Hindiya ka jirto sidaa darteed Master hadal heyn aad u weyn ayuu la yimid madaama Vijay si cajiib badan u xarakeeyay.

Master waxaa laga soo bandhigay muuqaalkan 1-daqiiqo 30-ilbiriqsi soconaayo inta badana waxaa diirada lagu saaray xarakaadka aan laga jeesan karin ee Vijay sameenayo asigoo filimkan ku jilaayo Professor kuleej oo ardaydiisa jecel yihiin sidoo kalena awood badan una dheer tahay xarakaad aan lagu gaarin waxaana mashruucan xiisaha badan Director ka ah Lokesh Kanagaraj.

Filimka Master goos gooskiisa kooban sidoo kale waxaa nagula tusay xifaaltanka ka dhaxeeyo iyo dagaalka culus ee dhex mari doono labo Vijay oo kala ah hogaamiyaha mashuuracan Vijay iyo laadarka awooda badan Vijay Sethupathi, waxaana sidoo kale atirisho kowaad ka ah Malavika Mohanan oo Vijay lamaantiisa mashruucan ku mataleyso.

Waxaa xusid mudan in filimka Master la daawan lahaa bishii April ee horaantii sanadkan laakiin daawashadiisa waxaa dib u dhigtay saameynta Karoonaha haatana weli shaaca lagama qaadin xiliga la daawan doono balse Superstar Vijay wuxuu balan qaaday filimkan Tamil-ka ah in kaliya tiyaatarada la saari doono.

Filimka Master haatan waxaa la rajeenaa feestada Pongal ee todobaadka ugu horeeyo 2021 reer Tamil dhigtaan in filimkan la daawado waxay ka dhigan tahay 10-ka ama 14-ka Janaayo 2021 ayaa la daawan doonaa. Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban (Teaser) ee heerka sare ah filimka Master laga soo bandhigay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here