Atooraha dhanka Action-ka looga haray balse Bollywood-ka aysan buun buunin Vidyut Jammwal ayaa ciwaanada fanka Hindiya qaadanayo xili maanta Hindiya u dabaal dagayaan maalinta Jamhuuriga Hindiya wuxuuna xidigan soo bandhigay kaartooyin ama aragti kowaad u gaar ah filimkiisa cusub ee lagu magacaabo Sanak – Hope Under Siege.

Mashruucan Vidyut Jammwal waxaa ku wehliso atirishada reer Bengali ee Bollywood-ka kusoo biirtay Rukmini Maitra waxaana Director ka ah Kanishk Varma qorshahana wuxuu yahay in qeybaha dambe ee sanadkan duubistiisa bilaabato ayadoo miisaaniyad xoogan la galin doono sidoo kalena si caalami ah loo sameyn doono.

Filimka Sanak waxaa Vidyut Jammwal u maal galineyso soo saare Vipul Shah oo ay saaxiibo dhow yihiin kaasi oo horey ugu qarash gareeyay taxanaha Commando iyo mashaariic kale sidoo kalena shirkada Zee Studios ayaa wax ka maal galineyso.

Sanak waa filim Action iyo qayaano isku jiro wuxuuna Vidyut Jammwal kalasooni weyn ku qabaa inuu mashruucan Hindiya ku qabsan doono sidoo kalena atoorahan dadaalka badan wuxuu sheegay marka uu dhameestiro duubista filimkiisa Khuda Haafiz oo sanadka hore la daawaday qaybtiisa labaad uu ka howl gali doono filimka Sanak waxayna ka dhigan tahay labo filim oo heer sare ah inuu xidigan soo wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here