Wayne Rooney oo ka hadlay hadii uu doonaayo in Liverpool la siiyo EPLka ama Horyaalka la kansalo.

0
182

Laacibkii hore ee kooxda Kubadda cagta Manchester United iyo qaranka England Wayne Rooney ayaa aaminsan in Liverpool u qalmaan hanashada Horyaalka EPL sanadkaan inkastoo uu sheegay in niyadiisa misaas jecleyn.

Rooney ayaa yiri “asxaab badan oo Everton fans ayaa ila soo xiriiraan waxayna i weydiiyaan hadii ay tahay in Liverpool horyaalkaan la siiyo”.

Asigoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri: “ka laacib Manchester United usoo cayaaray 13 sano qeyb iga mid ah ma dooneyso in Liverpool Horyaalkaan lasiiyo balse xaqiiqda waxay tahay iney u qalmaan ku guuleysigiisa halkii Horyaalka la kansali lahaa”.

Wayne Rooney ayaa usoo cayaaray kooxaha Everton iyo Manchester United oo labadaba ka siman in cadaawad gaamurtay kala dhaxeyso Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here