Home » Box Office » Weekend Update: Filimada Firangi iyoTera Intezaar ganacsi liito ayay sameeyeen sedexda maalmood ee ugu horeyso

Weekend Update: Filimada Firangi iyoTera Intezaar ganacsi liito ayay sameeyeen sedexda maalmood ee ugu horeyso

Shactiroole Kapil Sharma Boxoffice-ka soo dhaweyn kama helin madaama filimkiisii kowaad guul wacan gaaray balse midkiisa labaad Firangi Boxoffice-ka ayuu ku fashilmay.

Sida shabakada Boxoffice India soo daabacday Firangi wuxuu keenay 6.30 Crore (Trade Figure) sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso wuxuuna ku yara wanaagsan yahay Waqooyiga Hindiya gaar ahaan Delhi iyo East Punjab halka Hindiya inteeda kale filimkaan aad ugu liito.

Firangi waa filim hal todobaad ganacsigiisa ku egyahay kadibna tiyaatarada laga dajin doono waana guuldaro usoo hoyotay shactiroole Kapil Sharma.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Firangi lacagaha uu keenay sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso:

Jimco – 1.80 Crore

Sabti – 2 Crore

Axad – 2.50 Crore

Wadarta Guud – 6.30 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale Sunny Leone iyo Arbaz Khan filimkooda Tera Intezaar  gabi ahaanba ganacsi bur bur ka muuqdo ayuu sameeyay madaama hal maalin uusan xitaa 1 Crore keenin mudada sedex maalmood ee uu tiyaatarada saaran yahay.

Fadlan hoos kaga bogo Tera Intezaar  ganacsiga uu sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso waana mashruuc qasaarada Bollywood-ka kusii badinaayo:

Jimco – 40 Lakh

Sabti – 45 Lakh

Axad – 50 Lakh

Wadarta Guud – 1.35 Crore (Trade Figure)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *