Waxaa weli siweyn loo hadal hayaa filimka taxanaha ah Fast and Furious qaybtiisa 9-aad goos gooska laga soo bandhigay waxaana qaybtan loo bixiyay The Fast Saga ama F9 sida caadiga ahaydna waxaa hogaamiye ka ah Vin Diesel oo awoodiisa soo bandhigi doono.

Balse markaan F9 waxaa xiiso gaar ah u yeelay in laadar awood badan looga dhigay John Cenna oo filimkan Action, xarakaad iyo xeelad walbo adeegsan doono si uu marwalbo kooxda F9 ee Vin Diesel hogaaminaayo kaga guuleesto.

Sidoo kale arinka kale ee xiisaha badan ayaa ah Cenna ay walaalo yihiin Vin Diesel waxayna ka dhigan tahay in qaybtaan labo walaalo ah caddow isku yihiin ayadoo kooxda filimkan garab taagan Vin Diesel ku qasban yihiin hogaamiyahooda walaalkiis inay caddow ka dhigtaan marba haddii uu iyaga naftooda halis ku yahay.

F9 waxaa Director ka ah Justin Lin kaasi oo horey u agaasimay taxanahan qeybihisii 3-aad, 4-aad, 5-aad iyo 6-aad waxaana mashruucan weyn la daawan doonaa xagaaga nagu soo fool leh ama 22 May 2020 ayaa daafaha caalamka laga daawan doonaa waxaana lagu kalsoon yahay ganacsi waali ah inu sameyn doono.

Fadlan markale hoos ka daawo goos gooska filimka F9 adigaaba ka heli doontid hubanti ahaan sida casriga ah loo sameeyay ayadoo Cena iyo Diesel waxba isku reeban doonin:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here