Munmayee Deshpande oo sugeysa soo bixitaanka filimkeeda ugu horeeyay ee Director ka noqoto ‘Mann Fakiraa’ ayaa sheegtay in toddobo sano ay ku qaadatay inay agaasime noqoto.

Iyadoo ka sheekeeneysa sameynta filimkeeda cusub ee Mann Fakiraa ayee tiri: “Sheekadu waxay si kadis ah iigu timid anigoo ku xayiran taraafikada meel ku taal Borivali. Waxay ahayd qiyaastii 12.30 saqda dhexe waxaan ku soo daahay xaflad si kastaba ha noqotee, sheekada aan maanka ku haayay ayaa ahayd sidaan filim u sameen lahaa marka waxaan isla markiiba u yeeray saaxiibkey Soumil Shrungarpure, kaasoo sidoo kale ahaa agaasimaha muusigga filimada.

“Waxaan ku iri sheeko ayaa maanka ku haayo, ee maxaan sameeyaa? Hal shey buu ii sheegay wuxuuna igu yiri samee wixii aad maanka ku heyso. Wadahadalkaasi wuxuu dhacay todobo sano ka hor. Marka halkan waxaan ku gaaray riyadaydii ahayd qorista iyo toosinta wixii aan ku fikiray toddobo sano ka hor. In kasta oo diyaar garowga filimku uu bilaabmay laba sano ka dib, haddana fikradda oo dhami waxay qaadatay toddobo sano.

Filimka Mann Fakiraa waxaa qortay oo Director-ka ah jilaana ka ah gabadha lagu magacaabo Mrunmayee Deshpande, waxaana la wado jilayaasha Suvrat Joshi, Sayali Sanjeev, Anjali Patil iyo Ankit Mohan.

W/D Maankiz

W/D Maankiz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here