Bollywoodka ceebtooda ayaa timid banaanka sido kale reer hindiya badankooda saxaafadoodana ayaa sabab u ah geerida Sushant Singh Rajput kaaso is dal-dalay 14-june taaeiikhda markee ku beegneyd ugu dambeyn xog badan oo la isku soo aruuriyay aawged waxay cadeynee in Sushant is dilay laakiin lagu qasbay midaas.

Hadaba yaa ku qasbay in Sushant is dilo jawaabta waxay noqonee Bollywoodka, daawadayaasha iyo saxaafada intaasba wey ku qasbeen qaabke ugu qasbeena waatan ayadoo sharaxan:

Sushant Singh waxaa laga hayaa hadalo badan uu xiliyo kala duwan sheegay nuxurkoodana uu yahay in Bollywoodka, saxaafada iyo daawadayaashaba xaqireen tayadiisa atoorenimo iyo dadnimadiisa marka hore aan ka bilaawno Bollywoodka.

Sushant waxuu afkiisa ka sheegay in reer Bollywood markee xaflad dhiganayaan badanaa kuma casuumi jirin xafladooda waxuu yiri isagoo arinkaan ka hadlaayo,”aniga inaan atoore ahay oo Bollywoodka katirsanahay oo kale la iilama dhaqmo xafladaha abaal marinada iyo kuwa aroosyada badana la iguma casuumo haa wey jiraan kuwa la igu casuumah laakiin ma badno shaqsi banaanka ah oo shisheeye ah oo kale ayaa la iila dhaqmaa.”

Sushant filimo waaweyn looma dhiibo sida atoorayaasha isaga ku level-ka ah shirkadaha waaweyna weyba takooreen Salman Khan iyo isaga 3 ilaa 4 sano kahor ayee isku dhaceen sido kale Karan Johar, Yash Raj Filims iyo shirkadaha waaweyn jilaagan wey cunsuriyeeyen qaab is qaraabeysi ayeena ula dhaqmeen dhab ahaantii Sushan khaladaad badan ayaa laga galay.

Markii duubista Filimka Kedarnath dhamaatay kooxda Filimka waxay Sushant usheegen inuu gurigiisa iska tago filimka oodhana Sara Ali Khan ayaa xayeysiin u sameysay isagana waaloo diiday inuu xayeysiin u sameeyo waxaa la dhahay shacbiyad fiican ma lihid marka dadka dartaada inee filimka u nacaan marabno ee iska tag kadib Sara oo hadal heynta hindiya heysatay xiligaas ayaa xayeysiin u sameysay filimka fanka ku cusbeed waana xaqiraad iyo bahdil weyn Sushant loo geestay.

Saxaafada khaladka ay ka galeen waxuu yahay hader markuu dhintay wey buun buuniyeen oo seddexdii maalmood udambeysay dalka hindiya warbixinooyinkii filimada iyo arimihii kale laga hadlaayey majiraan sidaad idinkaba dareenteen meel walbana Sushant geeridiisa ayaa lagu wad wadaa balse markuu noolaa waa la buun buunin waayey tayadiisa atoorenimo waxaa kaloo la buun buunin waayey.

khaladka Bollywoodka jilaagan ka galeen oo indhaha iyo dhagaha ayaa laga dabooshtay ogoe meel walba qabiilka iyo qabyaalada wey kajirtaa Sushant waxuu ahaa atoore aan dad ku laheen Bollywoodka dadkiisana laga tiro badan yahay sida guud.

Daawadayaasha khaladka ay ka galeen waxaa weeye waxuu ku tuugtami jiray in filimadiisa la daawado hadaladiisa qiirada waxaa kamid ahaayen,fadlan filimkeyga Sonchiriya soo daawada hadii aad daawan weysaan mustaqbalkeyga fanka hindiya waa udhamaaneysa anigana bas waaye idinka ayaa wax iga dhigi karo aniga Bollywoodka wey i tuureen idinkana hadaa i tuurtaan wey iidhamaatay.”

Sushant wuu tuugtamay wuu baryootamay mudo badan balse cid buun buunisay malahan daawadayaasha hinduga ee maalmahan baraha bulshada ka qeylinaayo ayagoo Sushanr udoodayaan shalay markuu noolaa shib ayee ahaayen dhinacooda ayee ka liidi jireen filimadiisana inyar ayaa daawan jirtay oo fariinta filimka ka heshay.

Sushant markuu arkay dhinac walba in laga ciilay sido kalena hadafkiisa atoorenimo meesha ka baxay 2013 ayuu Bollywood yimid kuwa isaga ka dambeyeen ayaa durba magac heleen isagiina dhulka ayaa la dhigay ninkaan ciil aduunya qabtay riyadiisana wey bur burtay ugu dambeyn Depression-kii hayey iyo kaligiis uu guri kujiray go’aan xun ayuu qaatay wuuna is dilay.

3 COMMENTS

  1. Hal maalin isaga iyo sara Ali khan may kala harin si wada jira ayey xayeesiin ugu wada sameenayen film waxasi buun buunin iyo been abuur horaa loo yidhi amaana ugeeriyod cayna uguurso maalintu qofku dhinto amaanta waa layaaba markuu qofku guursadana konton dacaayadood buu yeesha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here