Sushmita Sen waa mid kamid ah atiriishooyinka Bollywoodka ugu shidan inkastoo da’deeda weynaatay markaan hadana wali waa atiriisho soo jiidasho leh nin walbana damac ka galaayo waxaana xasuusana inee qaaday bilado kala duwan dhanka quruxda ah.

Sushmita ayaa ka qeyb gashay munaasabad looga hadlaayey sida dumarka India badbaado iyo nabad galyo ku heli lahaayeen maadama Ammaan darida dalka India ee dumarka soo badatay gabdhaha hadee banaanka usoo baxaan naftooda qatar ayee kujirtaa.

Kuwa la afduubto iyo kuwa wadada lagu qashaado oo gacan loola tago ayee noqdeen hadaba Sushmita ayaa goobta qudbad ka jeedisay waxayna dadka oga sheekeysay dhacdo iyada nafsad ahaanteda kudhacday bilooyin kahor.

Waxay tiri iyadoo ka sheekeyneysa,”goob dad buuxaan ayaa joogay waana socday ilaalo ama waardiye badan ayaa dhinacyadeyda socdeen boqolaal niman ah ah ayaa dhex socday oo meesha buuxeen si lama filaan ah nin gacantiisa oo gadaasheyda salaaxeysa ayaan dareemay.”

“Gacanta ayaa ka qabtay waana soo jiiday horteyda ayaa keenay maadama uu tabar yaraa waxaan damcay inaa dhirbaaxo mise waaba wiil yar oo 15 jir qiyaastii ah waan naxay indhaheyga ilmo ayaa soo istaagtay isla markii hade waa wiil 15 jir ah ogow.”

“Waxaan dhahay anigo isaga la hadlaayo hadaan qeyliyo ama waardiyaheyga kuusheego inee naftaada udhamaaneyso sooma ogid waxuu igu yiri ani waxba ma sameynin ana waxaan kudhahay wiilkeyga waxaad sameeyn karto waad sameeysay ee wajigeyga ka dhaqaaq soco intaan kuu gacan qaadin.”

“Iga raali noqo asoo leh ayuu igasii dhaqaaqay, waan awooday inaa talaabo sharci ka qaado balse waan u diir naxay oo waa cunug yar mustaqbal wanaagsana leh inaa ceebeyo ayaan diiday bal kawaran 15 jir ayaa dadkii caanka ahaa sidas ula dhaqmaayo maxaad moodeen 20 jir iyo 30 jir.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here