Jilaaga caanka ah Salman Khan ayaa dil loogu hanjabay bishaan December waliba waxaa loogu hanjabay in Bambo lagu qarxin doono isagok gurigiisa iska dhex fadhiya xiliga laga takhlusi doonana uusan ogaan karin. Wiil 16 jir ah ayaa Police-ka Mumbai usoo diray fariin cabsi galin ah taariikhda markee ku beegned 4 December sanadkaan 2019 waxuuna qoraalka usoo qoray sida tan.

“2 sacaadood kadib maanta oo ay taariikhda tahay 4 December waxaan qarxin doonaa Bambo u adeegsan doonaa aqalka Salman Khan ee xaafada Bandra ku yaalo (Mumbai) hadii asd waxtari kartaan Police-kiina ba iskudaya inaad i celisaan ama qaraxaas iga hor istaagtaan.”

Waxaa lala yaabay hanjabaada intaa la eg ee wiil 16 jir ah kana soo jeeda Uttar Pradesh uu ugeysan karo Salman Khan iyo waxa uu ka haleeyay doodan iyo hanjabaadan waxaa lagu saleeyay mid usabab ah Salman Khan Barnaamijka Big Boss ee uu daadihiyo dhanka Tv-yadana laga daawado.

Police-ka isla maalinkaas waxay booqdeen aqalka Salmaan balse Sallu ma joogin waxay la kulmeen qoyskiisa oo wada joogeen iyagoo ku amreen inee si deg deg ah aqalka oga baxaan maadama guriga looga shakiyay in miino ku aasantahay.

Mudo 4 saac ayee Police-ka oo wataan qolyahay miinooyinka iyo bambooyinka baaraan ayee baarayeen Aqalka Salman ilaa Scan xitaa ay adeegsadeen waxna lagama helin Policeka ayaana arinkaa shaaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here