Superstar Akshay Kumar Oo ka guulo badan waqtigaan seddexda Khans awoodooda aan loo dhowaan karin ayaa ka hadlay marxaladiisa iyo guusha uu gaaraya shalayna inuu iska ahaa cunug ciyaalka xaafada kamid ah.

Isagoo xayeysiin u sameynaayo Filimkiisa Houseful 4 ee todobaadkan la daawan doono waxuu xidigaan ka hadlay noloshiisa hore waxuuna yiri,”Akshay Kumar-ka aad u jeedaan maanta waxuu ahaa wiil ku noolaa tuulada Chandni Chowk ilaa uu kasoo tagay China uu ka aaday Bollywoodna ku yimid cidna isma dhaheynin oo xaafadeena degened inaan heerkan gaari doono.”

“Wax iga maqan malahan nolosha maanta waxaana ku faraxsanahay heerka aan joogo iyo guusha aan dhex dabaalanaayo marwalbana ducada waalidkey ayaa garabkeyga ahed wax badana igu dhiiro galiyeen howshaan.”

Kumar Houseful 4 kadib waxaa sugayaan inuu ka howl galo Good News oo Kareena Kapoor la jileyso, Laxmmi Bomb oo Kiara Advani la jileyso Sooryavanshi iyo Bachchan Pandey wey sugayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here