Rishi Kapoor iyo Ranbir Kapoor oo ahaayen wiil iyo aabihiis waxaa lagu tiriyaa shaqsiyaadka ugu caansan shirkada Bollywoodka ee aan hadana dabeecad ahaan is jecleen inta badana sheekadooda wey yared sababtana lama oga.

Ranbir Filimkiisa kowaad Saawiriya markii la daawaday wareysigii ugu horeeyay uu bixiyay waxuu ku sheegay in isaga iyo aabihiid xiriirkooda adkeen,”aniga waxaan sifiican ugu dhowhahay hooyadey (Neetu Singh) aabo markuu hadlaayo xitaa indhihiisa ma fiirin karo sido kale wada hadalkeena wuu yaryahay dabcan dabeecadeheeda ayaa isdiidan inaan xili walba isku dhowaano.”

Rishi dhankiisa wuu ka hadlay arinkaan waxuu yiri hada kahor,”aniga gabadheyda Radhima (Kapoor) ayaa sifiican isugu dhownahay laakiin Ranbir waa uun hooyadiis wax walbo iyada ayuu la wadaaga inta badan waxba iima sheega midaasna aniga lama yaabani waayo aniga xitaa aabahay (Raj Kapoor) sidaan ayaan isku aheen marka waa dhaqan dhaxal noqday.”

Inkastoo Rishi nolosha wiilkiisa Ranbir kawar heyn jirin inta badsn hadana waxaa xaqiiqi ahed guusha wiilkiisa inju aad ugu farxi jiray wuuna ku faani jiray asoi muujisan jiray sido kale guuldarada wiilkiisana wuu ka murugoon jiray.

Ranbir qoyskiisa dadka ka geeriyoodeen kama qeyb galin tacsidooda balse aabihiis wuu ka qeyb galay tacsidiisa waana dabeecad lala yaabay waxaa horey u geeriyoodeen Neetu hooyaded Ranbir kama qeyb galin.

Sido kale Rishi hooyadiis ayee ahed dhowaan mar sy geeriyooneysay mana lagu arag tacsida jilaagan waxaan kaloo horey idiin kula wadaagnay gabdha ina adeertiisa ah misane atiriishada ah Kareena Kapoor xiriirka kala dhaxeeya inuusan adkeed reerkiisa 3-qof ayuu aad ugu xiranyahay mida kowaad waa hooyadiis qofka labaadna waa walaashiis Radhima iyo ina adeertiis Karisma Kapoor.

Ranbir 2-sano udambeysay xiriirka aabihiis kala dhaxeeyay wuu xoojiyay waxaana ugu wacneed in aabihiis xanuunsaday waxaana la sheegay Alia Bhatt inee qeyb weyn ka qaadataya isku soo dhowaanshaha labadan jilaa isdhaleen aad iyo aad ayuu aabihiis oga war hayey mudadii uu xanuunsanaa ilaa uu ka geeriyoodayna kama uusan ak faaruqin murugadii ugu weyned noloshiisa ayuuna jilaagan dareemay markuu aabihiis ka gerriyooday xiriirkoodana meeshii ugu fiicnaa asigoo maraayo ayee hader kala fogaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here