Home » Arimaha Bulshada » Wiil iyo gabar saaxiibo ah oo dhimashadooda si toos ah ugu baahiyey adduunka (Warbixin yaab leh)

Wiil iyo gabar saaxiibo ah oo dhimashadooda si toos ah ugu baahiyey adduunka (Warbixin yaab leh)

Gabar yar oo quruxleey ah ayaa waxay adduunka si toos (Live ah) ugu baahisay dhimashadeeda.

Gabadhaan dhallinyarada ah iyo wiil lagu sheegay inuu yahay saaxiibkeed ayaa waxay si xowli ah u wadeen gaari iyagoo cabsan,  wuxuuna shilkaani ka dhacay dalka Ukraine

Sofia Magerko, oo ah gabadha baahisay muuqaalkaan waa 16 sanno jir, waxaana gaariga ku waday saaxiibkeed Dasha Medvedeva, oo 24 sanno jir ah, weliba si xowli ah ayuu gaarigoodu u socday, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay cabsanaayeen labaduba.

Balse nasiib darro gaarigooda oo ahaa nuuca loo yaqaanno BMW ayaa wuxuu ku dhacay birta xoogan ee iftiinka jidka loogu xiro (Lamppost).

Sofia, dhowaan ayaa loo doortay gabadha ugu qurxoon magaaladeeda Izyum, balse shilkaan ayey ku dhimatay, iyadoo muuqaalka adduunka oo idil uu ka daawaday mareegaheeda Instagram.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *