Bhumi Pednekar waxay si fudud ku xadeysaa qalbiga malaayiin dad ah taageerayaasheda xidigtaan wey sii kordhayaan waxay noqotay atiriisho caan ah oo quruxdeeda iyo qaab jiliinkeeda kusoo jiidata dadka.

Midaas waxaa sii dheer inee marwalba madadaaliso taageerayaasheda oo ay Instagram-ka iyo Twitterka kula kaftanto shalay wiil ayaa aroos ka dalbaday xidigtaan dhanka Twitterka ayuuna codsigiisa guurka kusoo bandhigay maantana qoraalkaas dhowr milyan oo qof ayuu gaaray.

Wiil lagu magacaabo Kaffir Saurabh ayaa sidan usoo qoray Bhumi isagoo Mention dhahay,” waan ku salaamay Bhumi waxaa tahay gabar aad u qurux badan wali ma dhicin maalin bilaawato dhamaato oo aan sawirkaada daawanin waxaan niyeesta inaa ahaato gabar caadi ah balse atiriisho weyn oo caan ah ayaa tahay.”

“Waan ogahay sikastoo kuu jeclahay inaan ku heli karin balse hadii asd gabar caadi ah ahaan lahed ma iga aqbali laheed inaan ku guursado noloshana kula wadaago?”

Bhumi ayaa usoo jawaab celisay waxayna tiri,”arooska kuma xirno inaan atiriisho ahay iyo inkale qofkii calafkeyga noqdo ha ahaado atoore, ama shaqsi caadi ahba waan soo dhaweyna mida kale haka walwalin nolosha dhabta ah xitaa hadaa igu weyso shaashada iguma weyn doontid marwalba waad i daawan doontaa.”

Bhumi Pednekar receives a marriage proposal from a fan and her response is winning hearts  — read tweets

Wiilka ayaa soo noqday waxuu yiri,” waad mahad santahay in badan waana ku duceysan doonaan inaan marwalba Filimkaada daawado cimrigeyga inta kadhiman laakiin ogow quruxdaada inee i dileyso marba marka ka dambeyso inta aanan dhimana waxaan jeclaan lahaa inaa ku arko waxaan kaa codsanaa nolosheyda halmar inaa kula kulmo bas wax kale kaama rabo waan ogahay in aadan guursan doonin wiil aan atoore aheen.”

Jawaabta Bhumi ayaa wali la sugayaa wiilkaan dareenkiisa dhabta ah ayuu dadka hortooda kusoo bandhigay Bhumi waxaa looga fadhiya taageeraheeda ugu weyn iyo wiilkan sida dhabta ah u jecel inee wax uun ku qanciso waa hade tahay gabar naxariis badan hadii kalena wey ka aamusi doontaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here