Home » Arimaha Bulshada » Wiil u dhashay Masar oo toorreey ku dilay hooyadiis (Ogoow sababta ka dambeysa)

Wiil u dhashay Masar oo toorreey ku dilay hooyadiis (Ogoow sababta ka dambeysa)

Wiil dhallinyar oo u dhashay dalka Masar ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu dilay hooyadiis.

Shabakadda Dostor ee laga akhristo dalka Masar ayaa sharraxaad ka bixisay sababta uu wiilkaani u dilay hooyadiis.

Magaciisa waxaa lagu soo koobay Mohammed. A, waxaana la xaqiijiyey inuu toorreey ku dilay hooyadiis ka dib markii uu ogaaday in xiriir sharci darro ah oo dhanka sariirta ah uu nin kale kala dhexeeyo.

Sida warbixintaan lagu sheegay, Boliiska Masar ayaa baaritaan bilaabay ka dib markii uu cabasho usoo gudbiyey seyga qabay gabadhaan oo 40 sanno jir ah, isagoo sheegay in aysan guriga imaan muddo seddax maalmood ah.

Baaritaankaan ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha University Hospital qeybta Kalkaalisada uu dilay wiilkeedu.

Mohammed. A oo ah wiil aan shaqeyn ayaa wuxuu sababta ku sheegay inuu hooyadiis laba jeer ku arkay iyadoo nin la baashaaleysa.

Wiilkaan ayaa sheegay inuu doonayey inuu ka aarsado hooyadiis oo uu qabay nin aan aheyn aabihiis, maadaama uu dareemay inay khiyaano u geysatay aabihiis, ka dibna inta gurigeeda ugu galay ayuu toorreeyey la dhacay, taasoo keentay inay dhimato.